Rejo Xumada Real Madrid: Benzema Oo Kari Waayey Tababarkii kooxda

REAL MADRID

Real Madrid ayaa la moodaa in uu gabbal baas u dumay iyadoo isku diyaarinaysa ciyaarta labaad ee Champions League ee ay Arbacada garoonkeeda ku martigelin doonto Atletico Madrid.

Weeraryahanka Karim Benzema ayaa awoodi kari waayey in uu tababarka la qaato kooxdiisa, iyadoo sidoo kalena uu seegay kulankii Sabtidii ee Malaga kadib dhaawac ka soo gaadhay lugtii hore ee ciyaartii dhex martay Atletico Madrid. Waxa kale oo kooxda tababaraneysay ka maqnaa Gareth Bale iyo Luka Modric oo labadoodaba la xaqiijiyey in ay muddo u jiifi doonaan dhaawacyo haleelay Sabtidii.

Inkasta oo uu tababare Ancelotti u sheegay warbaahinta in uu Karim Benzema ciyaari doono kulanka Arbacada, haddana arrintan ayaa walaaceeda leh, iyadoo ay ku soo beeegan tahay ciyaar aad u adag.

Modric, Bale ayaa si dhab ah illaa hadda loo xaqiijiyey maqnaanshahooda iyagoo dhaawacan, waxa kale oo ganaax kaga maqnaan doona Real Madrid laacibka reer Brazil ee Marcello, waxaana haddii uu Benzema seego kulankaas ay u noqon doontaa kooxdaas in iyadoo kala daadsan, niyaddooduna aanay wanaagsanayn ay la ciyaaraan Atletico Madrid.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 2
You need login to vote.

Rodgers Oo Noqday Tababarihii Ugu Liitay Ee Soo Maray Taariikhda Liverpool

Kroos Oo Farriin Duco Ah U Diray Bale iyo Modric: Hore U Bogsada

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com