Ribery Oo Diiday In Bayern Munich Soo Iibsato Kevin de Bruyne

De Bruyne

Frank Ribery ayaa kooxdiisa u sheegay in aanu aaminsanayn in ay soo iibsadaan Kevin de Bruyne isla markaana aanu lahayn qaab ciyaarkii ku habboonaa Bayern Munich.

De Bruyne oo ka mid ah ciyaartooyada ugu wanaagsan ee ka ciiyaara Bundelsiga isla markaana kooxdiisa Wolfsburg ka caawiyey in ay kaalinta labaad ee horyaalka dalkaas ku jirto, waxaana soo baxayay beryahan dambe warar sheegay in Bayern Munich ay dooneyso in ay ciyaartoygan iibsato si ay firfircooni dheeraad ah u geliso ciyaartooyadeeda ama ay dhiig cusub ugu soo kordhiso.

Sidaas oo ay tahay, ayaa waxa uu Ribery u sheegay warkgeyska ciyaaraha ee Sport Bild, in inkasta oo uu De Bruyne yahay ciyaartoy wanaagsan haddana aanu lahayn qaab ciyaareedkii kooxda Bayern Munich.

“Waa ciyaartoy wanaagsan, laakiin waan daawaday, waxaanan xaqiiqsaday in uu ka duwan yahay Arjen Robben iyo anigaba. Ma aha ciyaartoy inta uu kubadda qaato xarfatami kara, hore u socon kara oo ciyaartooyada ka soo horjeeda waajihi kara.” Sidaas ayuu yidhi Ribery.

“De Bruyne wuu wanaagsan, waliba wuxuu ku fiican yahay weerarka rogaal-celiska ah. Markase aad Bayern Munich joogto waxa aad haysataa saddex ama afar mitir oo kaliya in aad hore u socoto.” Ayuu raaciyey.

Ribery waxa kale oo uu ka hadlay laadadka goolka ku dhow sida ay isaga, Robben iyo Muller u qaybsadaan, waxaanu tilmaamay in marka kubaddu tahay dhinaca midig uu isagu qaato, ta bidixda uu Robben leeyahay.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Maxaa iska beddelaya shaxda xulashada Real Madrid kadib imaanshaha Danilo

Baadhitaan Lagu Samaynayo Dhaawac Messi U Diiday In Uu Dalkiisa U Ciyaaro

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com