Ribery Oo Ka Hadlay Khilaf Dhex-maray Van Gaal Iyo Diidmadiisii Real Madrid

Ribery11

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Frank Ribery ayaa diiday in uu ku biiro Real Madrid sannadkii 2009 markii ay Bayern Munich u sheegtay inuu yahay Messi-gooda.

Laacibkan hore ee xulka qaranka France, ayaa haystay fursad uu ku tegi karo Santiago Bernabeu kadib markii uu tababarihii wakhtigaas gacanta ku hayay Bayern ee Louis van Gaal uu fursad siin waayey, isla markaana ka dhigay beddel suge.
RiberyRibery oo waraysi gaar ah siiyey shabakadda ciyaaraha ee goal.com, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha noloshiisa, gaar ahaan sababtii uu uga baaqday in uu ku biiro Real Madrid iyadoo uu muran weyni u dhexeeyey tababarihiisa.
Waxa uu sheegay in uu la hadlay Uli Hoeness iyo Karl-Heinz Rummenigge, kuwaas oo u sheegay in aanu kooxda ka tegin, isla markaana u faahfaahiyey sida ay ugu baahan yihiin iyo waliba in uu yahay Messi-ga Bayern Munich.
“Wada-hadallo heerkoodu sarreeyo ayaan layeeshay Uli Hoeness oo metelayey madaxweynaha iyo Guddoomiye Karl-Heinz Rummenigge. Waxay ii sheegeen in aanan tagin, sida kooxdu iigu baahan tahay iyo in aan muhiim ugu ahay Bayern sida Lionel Messi uu u yahay Barcelona.” Ayuu yidhi.

Van Gaal Oo Ciqaabaya Ribery

Van Gaal Oo Ciqaabaya Ribery

“Real way isku dayday, waanay i doonaysay. Anigu ma garanayo lacagta ay Bayern dooneysay in layga bixiyo, laakiin aakhirkii waxaan ku faraxsanahay in aan halkan xirfaddayda ku dhamaysto.”
Ribery waxa uu weeraray Louis van Gaal oo uu sheegay in uu u dhexeeyey xidhiidh sumaysan, kaas oo markii uu noqday tababaraha Bayern Munich markiiba ay iska hor yimaaddeen Ribery.
“Dhibaato dhinaca heerka binu-aadannimada ah ayaa na dhex martay. Markii uu shaqada bilaabay cidina may garanaynin waxa dhici doona. Fikirkiisu wuxuu ahaa in aanu danaynaynin ciyaartooyada magaca leh, una baahnayn xiddigo, laakiin qof walba looga baahan yahay in uu ismuujiyo.” Ayuu yidhi Ribery oo ka hadlayay fikirkii uu Bayern Munich la yimid tababare Louis van Gaal markii uu sannadkii 2009 shaqada kala wareegay Jurgen Klinsmann.
Laacibka reer France waxa uu sheegay in uu shakhsi xun yahay Van Gaal, isla markaana uu xidhiidhkiisu burburiyo kalsoonida ciyaartooyada.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sawirka Gabadh Aad Ugu Muuqaal EegCiyaaryahan Herrera Oo Baraha Bulshada Qar-qiyey

Pellegrini: Uma Baqanayo Shaqadayda, Waayo Waajibkayga Waan Gutaa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com