12:16 pm - Tuesday May 30, 2017

Rigoodhihii Ugu Horeeyey Oo Ku Yimid Go’aanka Garsoor ee Muuqaalada Ku Celiska Ah Oo Dhashay

Aidarous

Kooxda reer Japan ee Kashima Antlers ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee ku faa’iida isticmaalka muuqaalada ku celiska ah ” video replay” tartan caalami ah oo FIFA qabatay, kadib markii ay dhaliyeen rigoodhe garsoorku ku go’aan qaatay dib u daawashada dhacdada, ciyaartii ay 3-0 ka kaga badiyeen Semi finalka Koobka naadiyada Dunida ‘Club World Cup semi-final’ kooxda Atletico Nacional.

Garsoore Viktor Kassai ayaa ciyaarta joojiyey markii fal dhacay uu u sheegay callanwadihii ciyaartu, kadibna shaashad ku celin ah oo garsooraha loogu talo galay oo dibada garoonka taalay u tagay oo dib u daawaday siday wac u dhaceen, rigoodhena ku go;aan qaatay.

Shoma Doi ayaa rigoodhahaas shabaqa ku hubsaday, kaas oo ku yimid, ciyaaryahan kubadda oo ku soo socota lagu dhex legday xerada ganaaxa dhexdeeda.

Kashima waxay kaga gaadhay Atletico Nacional guul taariikhi ah, waxaanay sidaas ku noqotay kooxdii ugu horeysay ee qaarada Aasiya metelaysa ee gaadha Finalka koobka naadiyada Dunida.

Koobka naadiyada Dunida, waxaa sanad kasta hal mar wadanka Japan loogu qabtaa, naadiyadii qaaday horyaalada lixda qaaradood ee FIFA u diwaan gashan.

Muuqaalada ku celinta ah ee garsooraha caawinaya, ayaa la isticmaalay laba ciyaarood oo saaxiibtinimo oo caalami ah sanadkan, laakiin tartanka Naadiyada dunida isticmaalkiisu wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyey ee loo isticmaalo tartanada FIFA dhigto.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Nigeria football

Xulka Qaranka Haweenka Nigeria Oo Baarlamaanka Hortiisa Mudahraadkii la Tagay

Cajiib: Taageerayaal Kooxo Isneceb oo Midoobay kadib Weeraradii Istanbul ka dhacay…!

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com