8:52 pm - Monday January 22, 2018

Rio 2016: Gabadh Orod Yahanad Sucuudiga U Dhalatay Oo Taariikh Ka Dhigtay Ciyaaraha Olombikadda Brazil + Sawirro

6641 Viewed Samatar Mohamed Comments Off on Rio 2016: Gabadh Orod Yahanad Sucuudiga U Dhalatay Oo Taariikh Ka Dhigtay Ciyaaraha Olombikadda Brazil + Sawirro

Gabadh orod yahanad Sacuudi ah ayaa taariikh ka dhigtay ciyaaraha Olombikadda adduunka ee ka socda magaaladda Rio de Janiero ee dalka Brazil, kadib markii ay safatay orodka haweenka ee 100-ka Mitir.

 

Gabadhan oo lagu magacaabo Karimaan Cabduljadeyl waxay noqotay haweenaydii ugu horeysay ee Sacuudiga ka socota oo u tartanta orodka 100-ka Mitir, waana 22-sanno jir jidhkeeda oo dhan soo dabooshay ama asturtay, markii ay orodka ku jirtay.

 

Karimaan waxay orodkii is-reebreebka ahaa ka gashay kaalinta 7-aad, iyada oo aan ku guuleysan inay soo baxdo waxayna ku oroday wakhti dhan 14.61 Ilbidhiqsi. Waxaa kale oo tartanka ka qeyb-galay Kamiya Yuusufi oo ka socotay dalka Afghanistan oo iyaduna jidhkeeda soo qarisay, waxayna ku oroday 14.02 Ilbidhiqsi.

 

Haweenaydii ugu horeysay ee Sacuudiga u diro ciyaaraha olombikadda ayaa ahayd Sahra Catar oo iyadoo jidhkeeda dabooshay ka qeyb-gashay tartanka orodka dhexe ee 800 Mitir sannadkii 2012-kii, magaaladda London.

 

Waddanka Sacuudiga ayaa xayiraadda ka qaaday haweenka doonaya inay u loolamaay ciyaaraha Olombikadda adduunka sannadkii 2012-kii.

SAC2

SAC1

SAC3

SAC4

SAC5

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Rio 2016: Ciyaartoy Masri Ah Oo Diiday Inuu Salaamo Yuhuudi Uu La Tartamayey + Sawirro

Orodyahan Maxamed Farah (Mo Farah) Oo Ku Gulaystay Billadii 3ad Ee Ciyaaraha Olymbikada Rio 2016 iyo Rikoodh Cusubna Dhigay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com