Rio Ferdinand Oo Cadhadii Ka Dagey Singapore

Rio Ferdinand Oo Singapore lagu soo dhawaynayo
Rio Ferdinand Oo Singapore lagu soo dhawaynayo

Rio Ferdinand ayay soo gabo gabowday mustaqbalkiisii ciyaareed ee kooxda  Manchester United, cadhadiina Vise- u goostay oo ka degay wadanka Singapore kadib markii maamulka naadigu ku wargalliyey inaan rajo ugu hadhin Old trafford ee uu maryihiisa ka urursado maalintii Axadii.

Waxa la soo wariyey in gudoomiyaha naadiga United ee Ed Woodward uu hadal niyada ka dilay ku yidhi Ferdinand, mar uu ugu soo gallay qolka lebiska ciyaartii gunaanadka Horyaalka ee ay la ciyaarayeen Southampton.

Ferdinand Oo macasalaamayna Manchester United

Ferdinand Oo macasalaamayna Manchester United

Dad dhawr ah oo kula sugnaa meesha wakhtigaasi ayaa ku tilmaamay hadalkaasi gudoomiye Woodward mid aan ka qabanin, si weyna uga nixiyey ciyaaryahanka 12 ka sanno Man United u soo halgamayay ee Rio.

Intaas kadibna Manchester United ayaa si rasmi ah u baahisay in ciyaaryahankii difaaca kooxdu sidaas kaga ambabaxay naadiga, waxaanay ku yidhaahdeen war murtiyeed ay soo saareen sidan :- ‘’Manchester United waxay uga mahad celinaysaa Rio Ferdinand wakhtigii dheeraa, dedaalkii  iyo adkaysigii shaqada kooxda uu u soo qabtay, waxaanay u rajaynaysaa mustaqbal wanaagsan.’’

Habeenkii Isniintii , ayuu Ferdinand website kiisa khaaska ah ku baahiyey hadaladan ‘‘Xaalada ayaa ii saamixi weyday inaan idiin macasalaameeyo habkan aanan jeclaysanin’.

Waraysi kale oo uu bixiyeyna wuxuu kaga faa’iidaystay inuu taageerayaashiisii ku yidhaahdo “ Macasalaama”.

“Duruufaha ayaan ii ogolaanin inaan idhaahdo nabadgelyo oo ahayd sida aan anigu jeclaa laakiin fursaddan ayaan uga faa’iidaysanayaa oo waxaan leeyahay Maca-salaama Ciyaartooyada, shaqaalaha iyo taageereyaasha sida aan la malayn Karin ii garab taagnaa 12 sannadood, waligayna aanan illoobi doonin. Ku guulaysiga koobabka waxa aan ku riyooyin jiray markii aan carruurta ahaa waxaanay iigu rumowday kooxdan weyn.”

In ka yar 24 saacadood kadib ka tagistiisiina wuxuu u duulay wadanka Singapore si uu uga qayb gallo casuumad ay u fidisay Shirkad isgaadhsiineed oo wadankaasi ka dhisan, xaflad ay qabanayso ka hor koobka aduunka.

 

Rio ayaa ka degay Singapore

Rio ayaa ka degay Singapore

Iyadoo uu ciyaaryahanku carabaabay inuu gallayo loolan cusub oo xaga mustaqbalka ciyaaraha ah , waxaa daboolka ka qaaday inuu ciyaaraha sii wadanayo , af-hayeenka Ciyaaryahan Ferdinand oo saxaafada la hadlay.

“Rio wuxuu go’aan ku gaadhay inuu ciyaarista kubada cagta sii wadayo.” Ayuu yidhi Af hayeenka ciyaaryahanku.

 

Ferdinand ayaa 12 sanno kadib si niyad jab ah uga tagay United

Ferdinand ayaa 12 sanno kadib si niyad jab ah uga tagay United

Waxaa Hore u jiray kooxo badan oo danaynaya heshiis ay ciyaaryahankan la gallaan , kuwaas oo badankoodu ka dhisan horyaalada Qaaradaha Aasiya iyo Ameerika.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Drogba : Weeraryahankii Hore ee Kooxda Chelsea

Drogba Oo Kabtan Looga Dhigay Xulka Ivory Coast Koobka Aduunka U Matalaya

Scolari oo iska fogeeyey eedaha loo jeediyey

Luiz Felipe Scolari Oo Baadhisi Ku Socoto

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com