8:30 am - Saturday August 19, 2017

Rivaldo Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ciyaaraha Ka Fadhiistay

Aidarous

RivaldoXidiga koobka aduunkana hantay ee Rivaldo ayaa shallay ku dhawaaqay inuu soo afjaray Mustaqbalkiisii ciyaaraha ee uu mudada ku soo dhex jiray , wakhtigan isagoo 41 jir ah.
Halyeygan qaranka Brazil oo xulkiisa u dhalliyey 34 gool, 74 kulan oo uu u saftay intii u dhaxaysay 1993 ilaa 2003 , ayaa u soo ciyaaray kooxaha ugu awooda badan Yurub sida Barcelona iyo Ac Milan ka hor intii aanu ku sii gunaanadin kooxaha Olympiakos iyo AEK Athens.
Rivaldo ayaa shallay Sabtidii shaaciyey inuu dhamaaday 25 sano oo “Mucjiso” ahaa oo uu ku soo dhex jiray dunida ciyaaraha , uuna rajaynayo mudadii uu garoomada ku soo jiray inay tusaale fiican ugu filaan doonaan dhalinyarada.
“Anigoo ilmaynaya. waxaan jeclahay inaan ILAAHAY uga mahad celiyo iyo dhamaan dadkii kale ee igu taageeray , jacaylkii ay ii muujinayeen 24 kii sanno ee aan mihnada ciyaaraha ku dhex jiray.” Ayuu Rivaldo ku qoray bar kulanka bulshada ee Internetka.
“Taariikhdaydii ciyaaryahannimo ayaa maanta soo dhamaatay, intii aan ku soo jiray waxay ii ahayd Riyaaq iyo rayn rayn . waxaan ka tagay gurigii aan ku dhashay anigoon wax dhaqaale ah haysan, wakiil lahayn, dhakhtar khaas ah iyo tababare toona aan haysanin waxaanse arkay riyadii iga dheerayd oo rumowday.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sababta Ay Berri Isugu Naf-Baxayaan Arsenal Iyo Tottenham – Laba Ruug Cadaa Oo Ka Jawaabaya

Manchester City Oo Kaalinta Labaad Si Ku Meel Gaadh Ah U Fadhiisatay Iyo Chelsea Oo Karbaash Ku Dhacay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: