10:27 am - Sunday June 25, 2017

Riyad Mahrez, Toure, Ayew, Aubameyang iyo Sadio Mane Oo Ku Tartamaya Xiddiga Afrika

Abdiwahab Ahmed

xiddigaha-afrika

Waxaa la shaaciyay ciyaartooyda isugu soo hadhay tartanka laacibka Afrika ee Abaalmarin BBC ee sanadka 2016.

Shanta ciyaartooy ee u tartamaya abaalmarintan ayaa kala ah Yaya Toure oo Ivory Coast u dhashay, Pierre-Emerick Aubameyang oo Gabon ah, Andre Ayew oo Ghana kasoo jeeda, Sadio Mane oo Senegal ah, iyo Riyad Mahrez oo u dhashay Algeria, kuwaas oo afar ka mid ah ay ka ciyaaraan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Magacyada ciyaartoyga:

Taariikhda Andre Ayew

Taariikhda Riyad Mahrez

Taariikhda Yaya Toure

Taariikhda Pierre-Emerick Aubameyang

Taariikhda Sadio Mane

Yaya Toure ayaa abaalmarintan ku guuleystay sanadkii hore, halka Andre Ayew uu helay sanadkii 2011.

Muddo bil gudaheed ah ayaa la shaacin doona laacibka ku guuleysta abaalmarinta.

Qaabka iyo shuruudaha: ciyaaryahanka Afrika ugu wanaagsan ee BBC sanadka 2016

Magacaabidda shanta ciyaaryahan ee isu soo hadhay waxaa soo dhigay qaar ka mid ah khuburadda ugu saraysa Afrika ee dhanka kubadda cagta.

Khabiirkasta oo dal gooni ah ka soo jeedana waxaa la waydiiyay in uu sheego saddexda ciyaaryahan ee uu is leeyahay way ugu fiican yihiin isaga oo sheegaya sida ay u kala horreeyaan.

Waxaa la waydiiyay in ay magacaabidooda ay ku saleeyaan xulashadan: awoodiisa xirfadeed; la shaqaynta kooxda inteeda kale; xariifnimo joogto ah; saamaynta uu ku leeyahay natiijooyinka iyo dhexdhexaadnimo arrimahaas oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii 2015/16.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Muxuu Wasiirka Madaxtooyadu Ka Yidhi Koobkii Uu Ku Guuleystay Xulka Gobolka SAAXIL?

Taariikhda Riyad Mahrez

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: