Robin Van Persie Awoowgii Oo soo bandhigay muuqal uu ka turjumayo goolkii uu ka dhaliyey Qaranka Spain

 

Waxaa weli baraha Internet-ka ku soo badanaya sawirrada taageerayaal shafka dhulka dhiganaya sida iyagoo aad u malayso diyaarad soo dagaysa ,taasoo ay kaga dayanayaan  weeraryahanka Xulka Holland Robin van Persie oo gool noocaasi ah ka dhaliyay xulka Spain ciyaartii Koobka Adduunka ee 5-1 ay ku badiyeen xulka Holland.

Van Persie awoowgii Wim Ras, oo 93 sanno jir ah ayaa ku soo biiray dadka metelaya goolkii van Persie (#Persieing trends worldwide), waxaana uu soo bandhigay sawir isagoo afka dhulka dhiganaya si u qaab eg markii van Persie uu dhulka ku soo dhacay kadiba  markii uu madaxa ku dhuftay goolkii uu ka dhaliyay goolhayaha Spain Casillas “Waxaan u maleeyey (van Persie) sida Diyaarad caga dhiganaysa.” Ayuu van Persie awowgii Ras u sheegay Omroep Brabant.