3:02 am - Sunday June 25, 2017

Robin van Persie Oo Dhaawac Ciyaaraha Uga Maqnaan Doona Mudo Lix Todobaad Ah

Aidarous

Naadiga Manchester United ayaa xaqiijiyey in xidigooda afka hore ee Robin van Persie dhaawacii jilibka ka soo gaadhay kulankii Champions League ee ay la ciyaareen Arbacadii kooxda Giriiga ah ee Olympiakod , uu u jiifi doono mudo lix todobaad ah.

Robin van Persie

Sidaas darteed ciyaaryahanka Hollandiiska ah ayaa seegi doona labada kulan ee horyaalka Yurub ah ee ay kooxda shayaadiinta dharka cas lihi la leedahay Bayern Munich.

Weeraryahankan ayaa masuul ka ahaa guushii United kala soo carawday Greece , isagoo shabaqa dhigay saddexdii gool ee ay ku badiyeenba. warkan nadinta leh ee la soo darsay van Persie ayaa ku soo beegmaya xili Manchester ay ku jirto marxalad adag.

Waxaaanu ciyaaryahankan dhaawaca muruqa uga maqnaa naadiga bilihii November , December iyo January-ba, markale seegi doono ciyaaro muhiim ah oo ay kooxdiisu aad ugu baahnayd taageeradiisa. sidaasna waxa goordhawayd xaqiijiyey baadhitaankii (Scan) la mariyey.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Isku Aadka Horyaalka Yurub Oo Dhamaystian : United Oo Af-Libaax Gashay

Sir Culus : Jadwalkii Maanta Ee Isku Aadka Champions League Oo La Sii Hayay 3 Cisho Ka Hor

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: