Robin van Persie Oo dhakhaatiir loo dirayo si loo hubiyo inuu ciyaari karo kulanka Spain Ee K/ Aduunka

Weeraryahanka xulka Netherland Robin Van Persie ayaa qeybtii 2-aad la bedelay kulankii habeenkii xalay garoonka Arena kula yeesheen xulka Wales,oo 2-0 kaga adkaadeen,kaasi oo qeyb ka ah kulamada Holland isugu diyaarinayeen Koobka aduunka ee dhowaan furmi doona.

Tababaraha xulka Holland Louis Van Gaal ayaa sheegay in ciyaaryahanku horey uu u qabey dhaawac u diidey in mudo 6 todobaad ah kooxdiisa Manchester United u ciyaaro horyaalkii dhamaadey,iminkana ay eegayaan sida ay wax u gaadheen oo dhakhaatiirtu ka war dhowrayaan.

Xulka Netherland ayaa kulanka ugu horreeya ee Koobka aduunka wajihi doona xulka heysta koobka ee Spain waxaana tababare Van Gaal uu sheegay in shax kale kaga hortegi doona xulkaasi “Waxaynu la kulmi doonaa xulal adag sida Spain and Chile xalay shaxdii aynu tijaabiney kalama hortegi doono waxaynu u laaban doonaa 5-3-2 waan hubaa weliba Spain, kalama hortegayo 4-4-2 waayo macquul maaha.”ayuu raaciyey Tababaraha cusub ee Man UTD

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Oxlade-Chamberlain Oo laga Yaabo inuu seego koobka aduunka,Yaase laga bedeli doonaa? 

Xidhiidhka FIFA Oo aqoonsan wayday Saddexdii Gool Ee Lukaku ka dhaliyey  kulankii Luxembourg 

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com