Rodgers Oo Noqday Tababarihii Ugu Liitay Ee Soo Maray Taariikhda Liverpool

Tababaraha kooxda Liverpool, Rodgers ayaa noqday tababarihii ugu liitay taariikhda kooxda Liverpool kadib markii ay shalay Aston Villa 2-1 ku dhufatay Liverpool, isla markaana ay sidaas kaga hadhay tartanka FA Cup.

Liverpool ayey ka dhimatay rejadii kali ahayd ee hammi ee ay ku doonayeen in ay koobab ku guuleystaan sannadkan, waxaanay sannadkan ku dhamaysan doonaan iyagoo aan wax guul ah la hoyanin.

Tababaraha Liverpool ee Rodgers ayaa xalay galay taariikhda kooxdaas, waxaanu noqday macallinkii ugu horreeyey ee saddex sannadood oo xidhiidh ah  aan wax koobab ah ku guuleysanin.

LiverpoolLiverpool ayaan muddo intaa le’eg laga waayin saaxadda koobabka, waxaana in kasta oo ay ku liidato dhinaca Premier League ay haddana sumcad fiican ku leedahay koobabka kale ee laga ciyaaro England iyo Champions League.

Liverpool ayuu xili-ciyaareedkani u dhamaanayaa iyadoo aan wax koob ah ku guuleysanin, isla markaana ka hadhay Champions League oo aanay sannadka dambe ciyaari doonin iyo iyadoo ay waliba u dheer tahay in uu ka tegayo ciyaartoyga lagu tilmaamo calaamadda kooxdaas ee Steven Gerrard oo bisha June u guuri doona wadanka Maraykanka.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Qulqulka Dhiigga: Siddeed Ka Mid Ah Taageereyaasha Corinthians Oo La Dilay

Rejo Xumada Real Madrid: Benzema Oo Kari Waayey Tababarkii kooxda

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com