Roger Federer Oo Koobkii Saddexaad Qarka U Saaran Sannadkan Gudihiisa

Ninka dunida kaalinta koowaad kaga jira kubadda Tenniska ee Roger Federer ayaa gaadhay wareegga 16-ka ee tartanka kubadda Tenniska BNP Paribas Open ama Indian Wells, kaddib markii uu guul raaxo leh ka gaadhay ciyaaryahanka reer Serbia ee Filip Krajinovic.

Federer, oo difaacanaya koobka lagu tartamayo oo shan jjeer uu ku guuleystay, ayaa waxa uu ugu gudbay wareegga 16-ka ciyaar qaadatay 58 daqiiqadood oo kaliya, taas oo socotay laba wareeg oo uu far dhaqaain waayey Filip Krajinovic.

Wareeggii koowaad ayaa waxa uu federer ku guuleystay 6-2, halka wareeggii xigayna uu ku dhamaaday 6-1, waxaanay taasi xaqiijisay in aan loo baahnayn wareeg saddexaad oo la galo.

36 jirkan u dhashay Switzerland ayaa waxa uu kulanka xiga la ciyaari doonaa Jeremy Chardy oo isaguna kasoo gudbay Adrian Mannarino oo ciyaar laysku xarbiyey ay ku kala baxeen.

Federer oo 20 jeer ku guuleystay Koobka Grand Slam oo ugu weyn dunida ayaa waxa uu hore ugu soo guuleystay sannadkan gudihiisa laba koob oo kala ah Australian Open iyo Rotterdam Open.