Roma Oo 3 Dhibcood Oo Muhiim Ah Ka Boobtay Napoli

Kooxda kubadda cagta ee Roma ayaa heshay 3 dhibcood oo muhiim ah kadib markii ay 1-0 kaga badisay Napoli.

Ciyaar aad u xiiso badnayd oo labada kooxood ku dhex martay garoonka Olimpico ee Roma ayaa waxa ay alabada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar qurux badan taas oo ku dhisnayd weerar iyo weerar celis.

Gool uu daqiiqaddii 25aad Roma u dhaliyey laacibka Miralem Pjani ayaa kooxda uu maamulo tababare Rudi Garcia u suurto-geliyey in ay garaacaan kooxda Napoli ee uu wato khabiirka Rafa Benitez.

Inkasta oo ay Rama gacanta iku haysay kubadda inteeda badan, haddana difaaca Roma ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan oo goolkooda u diiday laacibiinta Higuain, Hamsik iyo Callejon.

Roma waxay ku jirtaa kaalinta labaad ee kala sarraynta horyaalka waxaanay leedahay 56 dhibcood, waxase booska ku haysata Lazio.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Palermo 1-2 AC Milan: Inzaghi Oo Farxad Darteed Garoonka Ku Wareegay

Herrera & Rooney oo United dhaafiyey City kaalinta 3 aad-na fadhiisiyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com