10:28 am - Sunday June 25, 2017

Roma Oo Shaqada Ka Caydhisay Tababare Spalletti

Abdiwahab Ahmed

Tababare Luciano ayaa waayey shaqadiisa markii ay kooxdiisa Roma kaalinta labaad ee horyaalka Serie A ku dhamaysatay, isla markaana ay si toos ah ugu gudubtay tartanka Champions League ee xili ciyaareedka.

War-saxaafadeed uu soo saaray madaxweynaha kooxdaas, Jim Pallotta ayaa lagu sheegay in naadigu uu uga mahad celinayo Spalletti shaqada adag ee naf-hurka ah ee uu geliyey Roma iyo dedaalka aan hakrashada lahayn ee uu la taagnaa tan iyo markii uu mar labaad noqday tababaraha kooxda.

War-saxaafadeedka waxa kale oo lagu sheegay in kooxdu ay dhowaan magacaabi doonto tababare kale oo sii wada qiyamka iyo sare u  qaadista sharafta kooxda, isla markaana dardar geliya hammiga iyo loollanka ay ugu jirto inay horumar ka samayso tartamada ay ka qayb-gelayso.

Spalletti oo ay da’diisu tahay 58 jir ayaa markii ugu horreysay tababare u noqday Roma sannadkii 2005, waxaana uu iska casilay 2009, markaas oo uu ku biiray kooxda ka dhisan waddanka Ruushka ee Zenit St Petersburg, hase yeeshee, January 2016 ayuu kusoo laabtay oo uu mar labaad tababare u noqday Roma

Heshiiska ayaa dhamaanayay dhamaadka xili ciyaareedkan, hase yeeshee, intii uu ahaa macallinka Roma waxa uu Spalletti la kulmay dhalleecayn ba’an oo uu ku mutaystay in aanu wakhti siinin halyeyga kooxda Francesco Totti oo isagoo ay da’diisu tahay 40 jir Axaddii ka fadhiistay ciyaaraha, iyadoo uu 25 sannadood xidhnaa funaanadda Roma.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Gonzalo_Higuain

Higuain: Waxaan Rajaynayaa Inaanu Ramos Daqiiqada 90aad Naga Dhalin Goolka Guusha

‘Isco Ayaa Ka Farsamo Badan Bale’ – Tababaraha Juventus Oo Falanqeeyey Awoodda Real Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: