Ronaldinho Oo Beeniyey Inuu Ciyaaraha Ka Fadhiinayo

Xiddiga reer Brazil ee Ronaldinho ayaa beeniyey warar sheegaya in uu ciyaaraha ka fadhiinayo, waxaanu tilmaamay in aanay waxba ka jirin sheekooyinkaas.

“Ugu horreyn, waxaan idiin sheegayaa sheekooyinka ku-tidhi-kuteenka ah ee ah inaan fadhiinayo, run maaha.” Sidaas ayuu yidhi Ronaldinho oo u warramayay saxaafadda.

Ronaldinho oo ay da’diisu tahay 35 jir, waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu wali kubadda cagta ku sii jiro, isla markaana aanay fikirkiisa hadda ku jirin in uu soo gunaanado xirfaddiisa kubadda cagta.

Ronaldinho oo xulkiisa Brazil kula guuleystay koobkii adduunka ee 2002, llaba jeerna ku guuleystay xiddiga adduunka, ayaa waxa uu hadda u ciyaaraa kooxda Queretaro oo bishii September uu laba sannadood oo heshiis ah la galay.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Magacyada 5 Tababare Oo U Sharraxan Beddelka Ancelotti

Zinedine Zidane v Luis Enrique: Dagaalkii Lagu Hoobtay iyo Dhaawacii Sanka – Video

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com