Ronaldinho Oo Ku Biiraya Koox Afrikan Ah – Reer Angola Oo Nasiib U Helay Xiddigan

Ronaldinho1Madaxweynaha kooxda Kabuscorp, Benedict Kangamba xaqiijiyey in uu laacibka Ronaldinho uu iman doono qaaradda Afrika oo uu ka ciyaari doono kooxdiisa dhamaadka sannadkan.

34 jirkan reer Brazil ayaa waxa uu heshiis inta sannadkan ka hadhsan ah kula jiraa kooxda reer Mexico ee Queretaro taas oo uu si mucjiso lagu tilmaamay ugu biiray bishii September ee tagtay.

Ronaldinho oo lala xidhiidhinayay in uu ku biiro kooxo dhawr ah oo dunida ka dhisan midkood, ayaa waxa ku jirta naadiyadaas Kabuscorp oo ka dhisan wadanka Angola taas oo uu si toos ah ugu biiri doono marka uu dhamaado heshiiska uu kula jiro kooxda reer Mexico.

Laacibkan xiddiga dunida loo caleemo saaray laba jeer, ayaa waxa uu noqonayaa laacibkii labaad ee u dhashay Brazil kuna guuleystay xiddig adduun iyo koob adduun ee ka ciyaara waddanka Angola gaar ahaan kooxda Kabuscorp. Waxa ka horreeyey oo sannadkii 2012 u ciyaaray kooxdaas xiddigii weynaa ee Rivaldo oo muddo sannad ah ay reer Angola nasiib u yeesheen in ay si toos ah u daawadaan.

Imaanshaha Ronaldinho ee Afrika, ayaa waxa ay sharaf weyn u soo jiidaysaa qaaradda iyo kubadda cagta ee dunida madow oo hadda lagu tilmaamo in ay horumar samaynayso.

Rivaldo waxa uu sawirkn galay maalintii uu ku biiray kooxda reer Angola

Rivaldo waxa uu sawirkn galay maalintii uu ku biiray kooxda reer Angola

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Laacibkii weynaa ee Emerson Oo Talo Waayeelnimo siiyey Pogba

Koobka Aduunka Ee Ciyaarta Cricket Oo Ka Furmay Qaarada Australia

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com