3:16 pm - Sunday January 20, 5084

Ronaldo, Bale iyo Odegaard Oo Ku Kulmay Tababarka Madrid Isugu Diyaarinayso Ciyaarta Granada

413 Viewed Aidarous Comments Off on Ronaldo, Bale iyo Odegaard Oo Ku Kulmay Tababarka Madrid Isugu Diyaarinayso Ciyaarta Granada

Xidigaha naadiga Real Madrid ayaa markale ku midoobay tababarkii Arbacadii kuwaas oo dhamaantood isugu yimid carbis markii koobaad tan iyo guuldaradii El Clasico ee Barcelona baday bishii ina dhaaftay.Real Bale and Ronaldo with young Ordagard 1
Cristiano Ronaldo ayaa ku soo noqday garoonka tababarka Real Madrid ee Valdebebas training ground kadib markii uu ka caawiyey xulka qarankiisa Portugal inay hogaanka u qabtaan Group I ee isreeb reebka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2016 oo ay Axadii aynu soo dhaafnay 2-1 kaga dul talaabsadeen xulka Serbia.
Waxaa sawiro laga qaaday isagoo si kal iyo laab ah u salaamaya saaxiibkii Gareth Bale, oo isaga laftiisu guul qarankiisa Wales ku hogaamiyey ciyaartii ay 3-0 ka ku dhaafeen Israel ee ka dhacday magaalada Haifa.Real Bale and Ronaldo with young Ordagard

Ronaldo, oo dhaliyey goolkii madiga ahaa ee Real ka heshay kulankii Nou Camp ee 2-1 ka ay Barcelona ku dubatay, ayaa u muuqday mid caafimaadkiisu taam yahay iyadoo kooxda tababare Carlo Ancelotti ee carbiska samaynaysay – kuwaas oo uu ka dhex muuqday lana tababaranayay wiilka dunidu ka dhur sugayso ee Martin Odegaard.Real Bale and Ronaldo with young Ordagard 2
Laacibkan yar ee khadka dhex ee reer Norwey ayaa noqday xidigii ugu da’da yaraa ee ka qayb gallayay ciyaaraha isreeb reebka qaramada Yurub, markii uu ka qayb qaadanayay ciyaartii xulkiisu la ciyaaray Croatia habeenkii Sabtida, Wallow uu waxba ka qaban kari waayay isagoo arkanaya qarankiisa lagu xasuuqay 5-1 magaalada Zagreb.Real Bale and Ronaldo with young Ordagard 3
Odegaard, oo 16,jir ah ayaan nasiib u helli doonin inuu ka qayb qaato ciyaarta Axada ay kooxdu la ciyaarayso Granada, iyadoo Los Blancos ay si weyn u doonayso kulankaas inay ku soo gaabiso farqiga dhibcaha ah ee u dhexeeya kooxda hogaanka horyaalka haysa ee Barcelona.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Wenger: Si Gaar Ah Umaan Cannaanan Ozil

Morocco Oo Laga Qaaday Xayiraadii Tartamada Afrika CAF Ka Saartay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com