3:16 pm - Monday January 20, 4194

Ronaldo Drunk: Xidhiidhka LFP Oo Ganaaxaya Barcelona Kadib Markii ay Taageereyaashu Sikhraan Ku Caayeen

301 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Ronaldo Drunk: Xidhiidhka LFP Oo Ganaaxaya Barcelona Kadib Markii ay Taageereyaashu Sikhraan Ku Caayeen

Cristiano Ronaldo oo hees isla kala jiidayaXidhiidhka kubadda cagta ee wadanka Spain (LFP) ayaa waxa la sheegay in uu dhamaystiray baadhitaan uu ku sameeyey aflagaado ay taageereyaasha naadiga Barcelona ku sameeyeen Cristiano Ronaldo intii ay socotay ciyaar Axaddii dhex martay Barcelona iyo Leventa, taas oo taageereyaashii fadhiyey garoonka Camp Nou ay ku qaylinayeen Ronaldo waa sikhraan.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa waxa uu ku sheegeegay in ay ogaadeen in ay ku qaylinayeen taageereyaasha Barcelona hadallo ka dhan ah Ronaldo gaar ahaan daqiiqaddii 65aad ee ciyaarta markaas oo koox ka mid ah taageereyaashu ay qaybta koonfurta ee garoonka istaageen isla markaana falkaas ku kaceen.

Kooxda taageereyaasha ah ayuu xidhiidhku sheegay in ay falkan ku kaceen. Kooxdan waxa loo yaqaanaa ALMOGAVERS, waxaanay ku qayliyeen ‘HE’S A BOOZER, CRISTIANO’S A BOOZER!’. Waxay ahayd hees ay ku soo celcelinayeen in muddo ah, laakiin marka laga yimmaado kooxdaas fadhiday dhinaca koonfureed ee garoonka inta kale ee daawadeyaasha ahi kumaya raacin cunsuriyaddaas.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Alonso oo ciyaartii 100aad ee Champions League uu safto casaan qaatay

Are Chelsea Fans Racist? Taagereyaasha Chelsea Oo Gacanta Saaray Nin Madow magaalada Paris – Video

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com