3:13 am - Sunday June 25, 2017

Ronaldo Iyo Romario Oo Fiintu Dhex Miranayso

Aidarous
Ronaldo Iyo Romario Oo Shir Brazil Ka Dhacay Is Barbar Fadhiya
Ronaldo Iyo Romario Oo Shir Brazil Ka Dhacay Is Barbar Fadhiya

Ronaldo Iyo Romario Oo Shir Brazil Ka Dhacay Is Barbar Fadhiya

Dagaal afka ah ayaa markale ka dhex qarxay xidigii hore ee xulka Brazil ,Ronaldo iyo Romario, kadib markii ay weerar afka ah isu mariyeen saxaafada shallay.

Weeraryahankii hore ee naadiga Inter Milan , Ronaldo , ayaa ku eedeeyey xidiga afka hore mucjisada ku qabay ee Romario  inuu markale weerar ku qaaday shaqsiyadiisa iyo inaanu fulinin balanqaadkii tigidhada bilaash ka ah ee uu ciyaaraha koobka aduunka ugu ballan qaaday dadka aan laxaad koodu dhamayn.

Romario oo hadda ah xubin golaha xeer dejinta ka mid ah oo cod karna ah , ayaa ku eedeeyey Ronaldo inuu ballan qaad sameeyey ilaa hadana aan laga haynin. Ronaldo oo ka tirsan gudiga qaban qaabada Koobka Aduunka ee Brazil ka dhacaya ayaa isna eedaas kaga jawaabay in cida ka soo bixi weyday ay tahay xidhiidhka kubada cagta wadanka Brazil.

Ronaldo oo dhibsaday weerarka aan kala go’a lahayn ee kaga imanaya saaxiibkii ayaa sheegay inaanu garanayn sababta uu dagaalka joogtada ah ugu hayo Romario.

“Waxa caado iska noqotay inaad aragto Romario oo meel fagaare ah iga cambaaraynaya , isagoo sheegaya inaan dayacay shaqo aan gacmahayga ku jirin.” Ayuu Ronaldo ku yidhi qoraal uu ku baahiyey baraha shacabka ee inter net ka uu ku leeyahay.

“Maka fursad raadis baa mise waa ka aqoon daro, ma garanayo. Waxaan garanayaa oo kaliya inay wakhti iyo enerji lumin tahay inaad ku foognaato shaqsiyadayda.  Xildhibaanka waxa la gudboon inuu ku dedaalo sidii uu shacabka xeer suuban ugu soo saari  lahaa , taas oo dhamaantayo faa’iido noo leh.”

Ronaldo ayaa sheegay in ballanqaadka 32,000 ee tigidh ee loogu tallo gallay dadka laxaadkoodu dhiman yahay inay ku daawadaan koobka aduunka, uu sameeyey xidhiidhka kubada cagta Brazil , laakiin aanu isagu ballanqaadin.

“Ma ahi siyaasi , afkoodana kuma hadli karo (xidhiidhka kubada cagta). Anigu ma ballanqaadi karo waxaanan fulin karin.,” ayuu yidhi Ronaldo , waxaanu intaas sii raaciyey, inuu hubo in Romario og yahay in ballan qaadka  ay sameeyeen cida ku shaqada lihi balse aanu Ronaldo ahaan samaynin.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Qiimihii Ugu Sareeyey Abid Oo Lagu Kala Iibsanayo Tigidhada Ciyaarta El Clasico Ee Axada

Guardiola: Muranka Robben Waxa Igaga Daran Ka Ay Xaaskaygu Igala Hortimaado

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: