Ronaldo : Madrid Wey U Qalantay Guusha Copa del Rey

Ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo ayaa yaqiinsan in kooxdiisa Madrid ay u qalantay guushii ay ka gaadhay Barcelona ee ay ku hantay horyaalka Copa del Rey.

Xidiga Aduunka sanadka, Ronaldo oo kulanka ku seegay dhaawac soo gaadhay , ayay la’aantii Madrid ku guulaystay In loo boqro koobka kadib markii laba gool oo ay u kala dhaliyeen laacibiinteeda Di Maria iyo Bale ay masaxeen goolkii madiga ahaa ee uu Barcelona u dhaliyey Bartra.

“Waanu u qalmaynay guusha, maxaa yeelay waan ka kubad wanaagsanayn waanan ka fursado abuuris badnayd, walina waxa noo dhiman laba koob oo aanu ku dagaalami doono.” ayuu Ronaldo ku yidhi warfidiyeenada kadib Kulankii garoonka Mestalla.

“Dagaal weyn baan u soo gallay soo gaadhista Finel ka, aad baan ugu riyaaqsanahay, waxaan dhignay wacdaro. waa inaan maanta damaashaadnaa berrina ka fikirna hawlaha noo dhiman.”

Guusha ay Real ku hantiday Copa del Rey ayaa ka dhigaysa tirada koobkaas ee ay haystaan 19 jeer.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Xidigaha Reer Brazil ee Chelsea Oo Ay Kulmisay Xaflada Dhalashada Ramires Inankiisa

(Daawo Video) – Garoon Ciyaar Kooxo Waaweyn Dhex Mari Lahayd Loo Hakiyey Ololka Iyo Qiiqa Oo Dhamaan Geggida Ku baahay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com