Does CRISTIANO RONALDO Converts to Islam? – CR7 Miyuu Islaamay?

Ronaldo MuslimWaxa soo badanaya caddaymaha sheegaya in uu laacibka Cristiano Ronaldo qaatay diinta Islamka ama uu ku dhow yahay in uu qaato, isla markaana uu ka mid noqdo dadka magaca leh ee sida joogtada ah ugu biiraya Diinta Islamka.

Ronaldo ayaa madaxa qortay magaca Illaahay (Allah) ciyaar dhex martay Real Madrid iyo Levante sannadkii 2012, markaas oo ay shaashaduhu baahiyeen muuqaallo caddaynaya in uu xiddigani madaxa ku qortay Kelmadda (Allah) oo afka carabiga ah.

Sida ka muuqata sawirka, waxa Cristiano laga daweynayaa dhaawac gaadhay isaga oo ciyaarta ku jira, waxaanay shaashadihii garoonka ku xidhnaa ee ciyaaraha laga daawanayey mar kaliya soo saareen sawirka madaxa Ronaldo oo uu ku qortay magaca Allah.

Laacibka reer Portugal ayaa hore ugu eedeeyey wadanka Isreal in ay xasuuq ka geysanayso Falastiin, isla markaana loo baahan yahay in wax adduunyadu ka qabato, waxaanu ugu deeqay lacag dhan £1.2 million oo uu ugu talo galay in lagu caawiyo carruurta Falastiin ee ku waxyeellooba xasuuqa Yuhuudda. Arrintan oo dhacday sannadkii 2013 gaar ahaan bishii November, ayaa waxa uu xiddigan oo ay markaas da’diisu ahayd 28 jir uu u iibiyey Falastiiniyiinta kabtii dahabka ahayd ee gool-dhalinta uu ku qaaday, taas oo lacagtii laga siistayna uu dhamaanteed gacanta ka saaray hay’ad gargaar oo kaalmaysa Falastiiniyiinta.

Ronaldo Converts to IslamCiyaar ka tirsanayd is-reeb-reebkii koobka adduunka ee 2014 oo ka dhacaysay magaalo madaxda Yuhuudda ee Tel Aviv oo dhex martay Portugal iyo Israel ayuu Ronaldo diiday in uu salaamo ciyaartooyadii Yuhuudda, waxaana markii ay dhamaatay uu mid ka mid ahi ka dalbaday in uu shaadhka u beddelo, hase yeeshee Ronaldo ayaa diiday. Warbaahinta ayaa weydiisay sababta uu u diiday in uu shaadhka u beddelo laacibka ka socday wadanka Israel, waxaanu Ronaldo ku jawaabay wakhtigaas ereyadan luuqadda English-ka ah “I do not exchange my shirt with ASSASSINS” oo ay magacnaheedu noqonayso “Anigu shaadhkayga uma beddelo shirqooleyaasha”.

Ronaldo Oo Sujuuday

Ronaldo Oo Sujuuday

Wakhtigii uu joogay Manchester United, Ronaldo ayaa madal ka xaadiray isagoo xidhan Koofiyadda ay Muslmimiintu xidhaan taas oo ah astaan ay caan ku ahaayeen hoggaamiyihii Falastiin Yaasir Carrafat iyo kooxihiisii markii ay dagaallada kula jireen Yuhuudda sannadihii 1960-aadkii.

cristino-ronaldo

Sida sawirka ka muuqata, Ronaldo waxa uu u eegyahay nin Muslim ah oo xidhan koofiyadda.

Mesut Ozil oo ah ciyaartoy Muslim ah oo ay Ronaldo ka wada ciyaari jireen Real Madrid ayaa xaqiijiyey in Cristiano uu u dhow yahay Muslimiinta.

Ozil oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Turkey ayaa ah nin aad u cibaado badan isla markaana salaad sii tukada inta aanu garoonka gelin maalin kasta, waxaanay saaxiibbadii oo uu Ronaldo ugu horreeyo ay maalin walba arki jireen saaxiibkood oo tukanaya Salaadda isla markaana ducaysanaya. Ronaldo ayaa markaas laga sheegay in uu qiray in uu Ozil ka duwan yahay dhamaan saaxiibada kale ee kooxda la jooga. Ma aha kaliya in uu kaga duwan yahay cibaadada, balse hab-dhaqanka iyo iimaanka daacadnimadu ka buuxdo iyo waliba fikirkiisa togan iyo akhlaaqda aan turxaanta lahayn ayaa Ronaldo uu qiray in uu gaar u leeyahay Ozil.

Intaa wixii ka dambeeyey, Ronaldo waxa saamayn ku yeeshay Ozil. Waxa uu bilaabay in uu si saaxiibtinimo leh u soo dhoweeyo dadka Muslim-ka ah iyo waliba in uu saaxiibbo ka dhigto oo uu si dhab ah u aamino. Marka uu qof walba oo kooxda joogaa dibedda u baxo si uu khamri iyo mukhaaddaraad u soo cabbo ama u cuno Hilib Doofaar, Ozil maka uu mid ahaan jirin kuwa baxa.

CR7

Ozil ayaa mar uu ka hadlayay sida uu Ronaldo u dhaqmo ee uu ugu dhow yahay diinta Islamka waxa uu yidhi: “Cristiano waa saaxiib wanaagsan. Haddii aanu qolka isugu soo galno oo aan illoobo in aan idhaahdo Bismillah, isaga ayaa yidhaahda oo i xasuusiya, isaga oo igu yidhaahdo ‘Mestu waxaad ilowday inaad tidhaahdo Bismillah.’

Illaa hadda ma jiro wax caddaynaya in uu Ronaldo qaatay diinta Islamka, laakiin waxa xaqiiqo ah in uu dhegysto Qur’anka Kariimka ah isla markaana uu barto Luuqadda Carabiga. Macasllinka Qur’aanka baraa waa Mesut Ozil, waxaanay arrintani ka caawisay in shirkadda Saudi Mobile ay siiso heshiis uu ku xayeysiinayo shirkaddaas.

Sida ay qortay shabakadda Islam.ru, Ronaldo ayaa la guddoonsiiyey hadiyad qu’aanka Kariimka ah markii uu tegay Saudi Arabia si uu heshiiskaas u saxeexo.

Ronaldo oo hadiyad loo siiyey Kitaab Qur'anka Kariimka ah

Ronaldo oo hadiyad loo siiyey Kitaab Qur’anka Kariimka ah

Si kastaba ha ahaatee, dunida Muslimka iyo Ronaldo ayaan aad u kala fogeyn, waxaana la sugayaa in maalin maalmaha ka mid ah la arki doono isaga oo Salaadda tukanaya.

Daawo Video muujinaya in uu Ronaldo Muslimay:

Ronaldo oo sujuuday.

Ronaldo oo sujuuday.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
2/5 - 1
You need login to vote.

Liverpool Vs Man United: Pele Oo Sii Dhex Fadhiistay Garoonka Anfield Si Uu Ciyaarta U Daawado

The Deadly Game: Ciyaartoy Geeriyooday Isagoo Halgamaya – VIDEO

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com