10:09 am - Thursday June 29, 2017

Ronaldo, Modric iyo Benzema Oo Seegaya Kulanka Deportivo

Abdiwahab Ahmed

Cristiano Ronaldo, Luka Modric iyo Karim Benzema ayaa laga reebay liiska ciyaartooyada Real Madrid ee la ciyaari doona Deportivo, kaddib markii ay safteen laba kulan oo adag oo Barcelona iyo Dortmund ay barbar dhac la galeen toddobaadkii hore.

Weeraryahanka Alvaro Morata ayaa booska Benzema buuxin doona kaddib dhaawac bil iyo dheeraad ah oo uu garoomada kaga maqnaa, sidoo kalena waxa fursad heli doona Mariano oo ka tirsan da’yarta Real Madrid, kaas oo kulankii Copa del Rey saddex gool ka dhaliyey kooxda Cultural Leonesa.

Gareth Bale iyo Fabio Coentrao ayaa dhaawac u jiifi doona muddo kale.

Liiska ciyaartoyga Real Madrid ee kulanka Deportivo ciyaari doona:

Goolka: Navas, Casilla iyo Yanez.

Difaac: Ramos, Varane, Pepe, Marcelona, Danilo, Carvajal iyo Nacho.

Dhexda: Kroos, Casemiro, Isco, Kovasic, James iyo Asensio

Weerarka: Morata, Vazquez iyo Mariano.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Pep_Guardiola

Guardiola ‘wuxuu ku sigtay inuu u ciyaaro Manchester City’

In kabadan 1,000 ciyaartoy oo Ruush ah oo isticmaalay dawooyin mamnuuc ah

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: