7:32 pm - Friday August 18, 2017

Ronaldo – ‘Neymar Wuxuu Noqonayaa Xidiga ugu fiican Aduunka’

Aidarous

Cadalool-(Arbaca -May-7 ) –Cristiano Ronaldo ayaa aaminsan in laacibka kooxda Barcelona ee Neymar uu leeyahay awoodii uu ku noqon lahaa xidiga ugu fiican caalamka.

Kooxda reer Catalans ayaa ciyaaryahankan 22 jirka ah kagala soo wareegtay Santos qiime lacageed oo dhan €87.2 million , waxaanu u dhaliyey 9 gool oo horyaalka ah isla markaana waxa uu caawiye ka noqday 8 gool , 25 kii kulan ee ugu horeysay ee uu kooxda u saftay.

In kastoo ficiltan xaga tartanka ah oo weyni ka dhaxeeyo kooxaha ay u kala ciyaaraan , hadana Ronaldo , wuxuu aaminsan yahay in wiilkan reer Brazil uu meesha ka saari doono xidigaha hadda aduunka hormuudka ka ah dhinaca kubada cagta.

“Waxaan u arkaa Neymar laacib weyn,” ayuu yidhi Ronaldo oo la hadlaya Telefishanka SporTV News. “Waxay ila tahay wakhti aan fogayn ayuu la soo baxay xirfadan ciyaaryahanimo waxaanu cadeeyey inuu yahay laacib kubada mustaqbal ifaya ku leh.

“La qabsigiisii Barcelona ma fiicnayn, waxaa ka hor yimid woxogaa caqabado ah bilowgiiba, laakiin shaki igagama jiro inay ku duugan tahay xirfadii uu kaga mid noqon lahaa xidigaha ugu wanaagsan dunida mustaqbalka dhaw ama aan idhaahdoba xidiga ugu fiican aduunka .”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Zanetti Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fadhiistay Kubada Cagta

Wenger : In yar Baanu u Jir sanay Inaanu Heshiis La Gallo Hazard

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: