3:03 pm - Thursday August 23, 5764

Ronaldo Oo 3 Cisho Kadib Uga Mahad Celiyey Rooney Taageeradii Finalka Champions League

Aidarous

Cristiano Ronaldo ayaa uga mahad celiyey Wayne Rooney taageeradii uu u fidiyey iyo rajadii wanaagsanayd ee uu u rajeeyey kulankii gunaanadka horyaalka Yurub ee Sabtidii ay Real Madrid kaga guulaysatay Ateltico Madrid magaalada Lisbon ee wadanka Portaqiiska.

Intii aan la gallin ciyaarta, Rooney ayaa Twitter kiisa ku baahiyey fariin duco ah oo uu ugu rajaynayo saaxiibkiisii hore ee Manchester United inuu natiijo wanaagsan ka hello ciyaarta , waxaanu sidoo kale xasuusiyey koobkii ay labadooda oo wada jiraa kaga qaadeen Chelsea isla tartanka Yurub ciyaartii Finalka sanadii 2008, waxaanu fariintiisa ku yidhi Rooney: “Wanaag oo dhan baan kuu rajaynayaa caawa, Ronnie xasuuso Moscow.”

Ronaldo ayaa u dhalliyey kooxdiisa goolkii afraad ee rigoodhaha ku yimid qaybtii lagu daray ciyaarta, sidaasna ay Real ku qaaday koobkii 10 aad ee champions league ah habeenkaas ay guusha kala huleeshay garoonka Estadio da Luz.

Sidoo kalena, xidiga haysta abaal marinta Ballon d’Or ee sanadku, wuxuu jabiyey rikoodhka gool dhalinta ee hal champions League uu ciyaaryahan dhaliyo , waxaanu sanadkan oo qudha shabaqa dhigay 17 gool.

Saddex cisho kadib habeenkaas , ayuu Ronaldo xasuustay inuu saaxiibkii uga mahad celiyo ducadaas iyo taageerada maalmihii adkaa , wuxuu ku yidhi Fariin uu Twitter kiisa soo dhigay ;- “Waan kaaga mahad celinayaa taageeradaada @WayneRooney. Maalmihii adkaa iyo tan maalintii u dambaysayba!’’

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

(Video) Balotelli Oo Feedh Ku Garaacaya Qof Kale

Shil Dhaawacyo Sababay Oo Ka Dhacay Xerada Tababarka Xulka Germany

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: