10:09 am - Wednesday June 28, 2017

Ronaldo Oo $ 83,000 Ugu Deeqay Qaliinka Ilmo Yar

Aidarous

ronaldo-babyXidiga Aduunka Cristiano Ronaldo ayaa gargaar binu aadminimo ahaan uga bixiyey dhamaan kharashka ku baxaya ilma yar oo 10 bilood jira , kaas oo lagu samaynayo qaliin xaga maskaxda ah.
Erik Ortiz Cruz oo ah wiilka yar ee Ciyaaryahanku ugu deeqay lacagta qaliinka loogu samaynayo, ayaa miyir doorsooma ama suuxa 30 jeer maalintii , taas oo dhakhaatiirtu ku talliyeen in xalka kaliya ee ilmahan yar loogu gurman karaa uu yahay qaliin maskaxda lagaga sameeyo oo ay ku baxayso lacag badani.
Waalidka dhallay Erik , ayaa awoodi waayay inay iska bixiyaan kaliya kharashka ku baxaya tijaabooyinka la marinayo oo halkii marba ku kacaysa qiime dhan £5,020 (6,000 euros), iyadoo ay wali u hadhsan yahay kharashka qaliinka oo isna noqonaya £50,240 (60,000 euros).
Dadka magaalada la degan Ilmaha yar oo qaadhaan u ururinayay ayaa Ronaldo ka dalbaday inuu ugu deeqo Funaanada iyo kabaha uu ku ciyaaray , Laakiin xidigan naxariista Badan ayay arintaasi ku beertay uur nugayl waxaanu qaaday talaabo aanay filaynin , isagoo dhamaan iska xilsaaray baahidii wiilkaas yar.
10 bilood jir , Erik Ortiz Cruz, ayaan hadda wixii ka dambeeya looga werweri doonin kharashka ku bixi doona caafimaadka xaaladiisa xididada maskxda.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Arsene Wenger: Bendtner Fasax Umuu Haysan Inuu Copenhagen Tago, Waala Ganaaxayaa

Dani Alves Oo Loo Haysto Debaal Degii Uu Sameeyey Habeenkii City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: