Ronaldo Oo Cadho Darteed Ballan Qaaday In Aanu Warbaahinta La Hadli Doonin 3 Bilood

Real Madrid RonaldoCristiano Ronaldo waxa ayaa cadho uu ka qaaday qaab ciyaareedka liita ee isaga iyo kooxdiisa waxa uu ballan qaaday in aanu warbaahinta la hadli doonin inta ka hadlay xili-ciyaareedka, taas oo ka dhigan in aanu muddo ku dhow saddex bilood warbaahinta soo hor-fadhiisan doonin.

Cristiano Ronaldo ayaa xalay noqday ninka ugu goolasha badan tartamada Yurub oo dhan, kadib markii uu laba gool ka dhaliyey Schalke oo ku soo booqatay Santiago Bernabeu, hase yeeshee ceeb iyo madax foorar ay kooxda martida loo ahaa Boqortooyada Spain garoonka kaga baxeen.

Laacibka ay isku kooxda yihiin Cristiano Ronaldo ee Gareth Bale ayaa isna garoonka kaga baxay cadho iyadoo intii ay ciyaartu socotay ay taageereyaashu ku qaylinayeen.

Bale oo ay Manchester United dooneyso ayaa mar kale waxa uu dhibbane u noqday cayda taageereyaasha kooxdiisa, laakiinse kaldii ma ahayn ee waxa kale oo ay taageereyaashu ku qaylinayeen tababare Carlo Ancelotti iyo gool-haye Ikar Casillas.

“Mar kale hadli maayo illaa inta horyaalladu dhamaanayaan” sidaa waxa wariyeyaal u sheegay Cristiano Ronaldo.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu xalay dhaliyey goolkiisii 77aad iyo 78aad ee tartamada Yurub, waxaanu noqday ninka ugu goolasha badan isagoo dhaafay Raul Gonzales iyo Leonel Messi.

Sidan ayaa loogu kala horreeyaa gool dhalinta (Waxa ku jira EUFA iyo is-reeb-reebka Champions League)

78: Cristiano Ronaldo (Sporting Lisbon, Manchester United, Real Madrid)

77: Raul (Real Madrid, Schalke)

76: Lionel Messi (Barcelona)

70: Filippo Inzaghi (Parma, Juventus, AC Milan)

67: Andriy Shevchenko (Dynamo Kyiv, AC Milan, Chelsea)

62: Gerd Muller (Bayern Munich)

62: Ruud van Nistelrooy (Heerenveen, PSV Eindhoven, Manchester United, Real Madrid, Hamburger)

59: Thierry Henry (Monaco, Arsenal, Barcelona)

59: Henrik Larsson (Feyenoord, Celtic, Barcelona, Helsingborgs)

56: Eusebio (Benfica)

Gool-dhalinta Champions League oo kaliya oo aanay ku jirin is-reeb-reebka Champions League

75: Cristiano Ronaldo

75: Lionel Messi

71: Raul

56: Ruud van Nistelrooy

50: Thierry Henry

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Dareenka Liita Ee Casillas, Modric Iyo Ancelotti Ee Ciyaartii Xalay

Mourinho Oo Yasay France: Tababarka Chelsea ayaa ka adkaa ciyaartii PSG iyo Lens

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com