Ronaldo Oo Dagaal Iyo Aflagaado Kula Kacay wariye su’aal weydiiyey

Cristiano Ronaldo ayaa mar kale ku ceeboobay wariye su’aal weydiiyey markii ay dhamaatay ciyaartii 4-0 ay Atletico Madrid ku burburisay Real Madrid, taas oo markii ay dhamaatay uu saxafi ku sugnaa garoonku su’aalo ka weydiiyey Ronaldo.

Ronaldo ayaa xakamayn kari waayey cadhada iyo niyad jabka uu ka qaaday ciyaarta, waxaanu kula dhacay wariyihii su’aalaha ka weydiinayey ciyaarta iyo dhacdooyinkii laacibkan ee kulankii Cordoba.

Wariyaha ayaa isku dayey in uu weydiiyo su’aalo Ronaldo, hase yeeshee Ronaldo ayaa markiiba ugu jawaabay sidan cadhada leh:

“Ma waxaad dooneysaa in aad igala hadasho wixii maanta (ciyaartii Atletico) dhacay mise Cordoba oo dhacday saddex bilood ka hor”.

Ronaldo oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu mar kale ku yidhi: “Maxaad dooneysaa inaan idhaahdo? Haddii aad tahay wariye caqli badan leh waxaad wax iga weydiin lahayd ciyaarta maanta.

“Waan ka xumahay, bilaa caqli ayaad tahay”

Arrintan Ronaldo ayaa noqonaysa mid sii xumaysa sumcaddiisa iyo dunida laga tixgeliyo in ciyaartooyada ama shakhsiga kale ee ay warbaahintu damcaan in ay su’aalo weydiiyaan ay caado tahay in si waadix ah oo hufan uu ugu jawaabo.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Koobka Afrika Iyo Caawa: Ammaanka Oo Aad Loo adkeeyey

Barca Ma Ka Badbaadi Doontaa Guuldarrada Caanka Noqotay Ee Garoonka Bilbao?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com