Ronaldo Oo Guuldaro Kala Baxsaday Real oo Valencia Daandaamisay

Xidiga Cristiano Ronaldo ayaa dirqi iyo tuxun kagala baxsaday kooxda Madrid, guuldaro ka soo gaadhi lahayd Valencia habeenkii xallay kadib markii uu shabaqa dhigay goolkii barbardhaca wakhti daayacii lagu daray ciyaartana ka dhigay 2-2.

Valencia ayaa labada goorba hogaaminta ciyaarta ku hor martay , waxaanay Real mar kasta ahayd mid barbar dhaca raadis ku dhamaysatay wakhtiga, kulankii xallay ee gurigooda Bernabue lagu dhabanaaniyey.

Real ayaa imika sidaas kaga dambeysa shan dhibcood kooxda Atletico Madrid, ciyaarina baaqi u tahay , walina waxay ku jiraan xaalad fiican oo hogaan ku dagaalamis ah .



One Response