Ronaldo Oo Jebiyey Rikoodh Kale Oo Champions League Ah

Cristiano Ronaldo ayaa jebiyey rikoodh kale oo tartanka Champions League ah kaddib markii uu laacibkan reer Portugal laba gool u dhaliyey naadigiisa ciyaartii ay martida u ahayd Apoel Nicosia oo ay Madrid ugu gudubtay wareegga 16-ka.

Laba gool oo uu Ronaldo u dhaliyey Real Madrid ayaa waxay noqdeen kuwo taariikhda u galay, wxaana ay ka dhigeen tirada goolasha uu sannadkan 2017 ka dhaliyey tartanak Champions League 18 gool, taas oo ah goolashii ugu badnaa ee sannad gudihii uu qof dhaliyo.

Real Madrid oo inta badan gacanta ku haysay ciyaarta, ayaa uu Ronaldo dhalin karayey goolal kale iyadoo uu tababare Zidane go’aansaday in aanu beddelin halka Benzema uu qaybta dambe saaray.

Real Madrid kaalinta labaad ayay kaga soo baxday hormada H, waxaana booska koowaad ku gudubtay Tottenham.

Ronaldo ayaa sii wadi kara goolasha 18-ka ah ee uu sannadkan ka dhaliyey tartanka Champions League, iyadoo guud ahaan uu tartankaas ka dhaliyey 113 gool oo 100 ka mid ah uu dhaliyey intii uu Real Madrid joogay. Lionel Messi oo kusoo xiga ayuu ka sarreeyaa 16 gool.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Harry Kane Oo Sheegay Inay Isku Diyaarinayaan Wacdaro Cusub Oo Ay Ka Dhigaan Horyaalka Yurub

Rakitic Oo Mugdi Geliyey Mustaqbalka Lionel Messi Ee Barcelona

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com