3:03 pm - Wednesday August 23, 9634

Ronaldo Oo Kulanka Caawa Dhaawac Kaga Maqnaan Doona

Abdiwahab Ahmed

Xiddiga adduunka ee sannadka, ee weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa ka maqnaan doona kooxdiisa kulanka caawa ee ay martida u noqonayaan Real Sociedad, kaddib dhaawac fudud oo ka soo gaadhay kulankii Champions League ee Arbacadii dhex maray Borussia Dortmund.
Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyey maqnaanshiyaha laacibkan, laakiin wuxuu rajo ka muujiyey inuu ku soo laaban doono garoomada oo uu safan doono kulanka Salaasada ay martida u noqon doonaan Dortmund.
“Cristiano wuu nasanayaa. Wuxuu dareemayaa daal iyo inyar oo xanuun ah” ayuu wariyeyaasha u sheegay Ancelotti.

Carlo Ancelotti, wuxuu xusay inay doonayaan in kulanka caawa aanu Ronaldo u raacin ee uu ku nasto magaalada Madrid. “Waxaanu doonaynaa inuu joogo Madrid, uu shaqeeo oo uu isu-diyaariyo kulanka xiga” ayuu yidhi.
“Salaasada wuu firfircoonaan doonaa, waanu soo kaban doonaa, waayo wuxuu ciyaaray kulamo badan, waxaananu rabnaa inuu nasto”.

“Waan la hadlay Cristiano, waxaananu isla qaadanay inay u fiican tahay inuu nasto. Waa wax iska caadi ah inuu doonayo inuu ciyaaro dhamaan kulamada, wax dhib ahina kuma jirto”. Ayuu raaciyey.

Tababare Ancelotti, ayaa intaa kadib warbaahinta u sheegay in kaalinta uu banneeyey Ronaldo ay buuxin karaan ciyaartooyo badan oo ay ka mid yihiin Alvaro Morta, Isco iyo Bale.

Real Madrid waxay hadda ku jirtaa kaalinta saddexaad eek ala horeynta horyaalka Spain, waxaana ka horreeya Atletico Madrid iyo Barcelona.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Gareth Bale vs Koke Resurreccion

Baro: Shanta laacib ee ugu kubad sameynta fiican horyaalka Spain sannadkan

Bayer Leverkusen Oo Shaqada Ka Eriday Tababare Sami Hyypia

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: