Ronaldo Oo La Sinmay Di Stefano Iyo Messi

RealCristiano Ronald ayaa si xun ugu galgashay Granada, taas oo uu ka dhaliyey 5 gool oo daran doori ah, kuwaas oo uu hoggaanka gool-dhalinta ee horyaalka Spain kagala wareegay Lionel Messi oo lahaa 32 halka uu Ronaldo yeeshay 36 gool.

Ronaldo ayaa qaybtii horeba waxa uu dhaliyey saddexley (Hat Trick) muddo 8 daqiiqo gudaheed ah, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah goolashii ugu badnaa ee uu ciyaartoy ku dhaliyo wakhtigii ugu yaraa.

Cristiano Ronaldo ayaa u dabbaal degay markii ugu horreysay taariikhda noloshiisa ee uu ciyaar ka dhaliyo 5 gool, taas oo uu ugu dabbaal-degay farxad iyo rayn-rayn uu garoonka kala baxay, isagoo waliba qaatay kubbaddii lagu ciyaarayay.

Saddexleyda uu qaybta hore dhaliyey ayuu Ronaldo kula sinmay Di Stefano oo ah halyeygii ugu mudnaa ee soo maray taariikhda Real Madrid, isaga oo dhaliyey 28 jeer oo min saddexley ah.

Sidoo kale, waxa uu barbarreeyey Lionel Messi oo isaguna dhaliyey 24 jeer oo saddexley horyaalka La Liga ee wadanka Spain.

Ronaldo ayaa waxa ay goolashan shanta ahi u buuxiyeen 300 gool oo uu Real Madrid u dhaliyey muddo 6 sannadood ah oo uu joogay, waxaana uu ku socdaa in uu gool-dhalinta kala wareego Raul Gonzales oo taariikhda kooxdaas ugu goolal badan taariikhda kooxdaas.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Serena Williams Oo Markii 8aad Ku Guuleystay tartanka Miami Open

Chelsea Oo U Dhaqaaqday Iibsiga Xiddiga Liverpool ee Henderson

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com