6:43 pm - Monday August 21, 2017

Ronaldo Oo Laga Reebay Ciyaarta Celta Vigo Ee Berri

Aidarous

Tababaraha naadiga Real Madrid, Carlo Ancelotti ayaa daboolka ka qaaday in weeraryahanka naadiga ee Cristiano Ronaldo aanu safan doonin oo laga reebay ciyaarta Axada ee ay wajahayaan naadiga Celta Vigo, dhaawac soo gaadhay dartii.

Weeraryahanka reer Portuqaal ayaa si qasab ah looga saaray kulankii Arbacadii ay barbardhaca 1-1 ka ah la galeen Valladolid kadib markii looga baqay in dhaawac ka soo gaadhay muruqu sababi doono inuu seego ciyaarta Finalka ee Champions League oo ay 24 ka bishan la ciyaari doonaan kooxda ay isku magaalada yihiin , ficiltanka weynina ka dhaxeeyo ee Atletico.

“Cristiano ciyaartan ma soo safi doono maxaa yeelay 100 % maaha mid taam ka ah dhaawacii soo gaadhay,” ayuu tababare Ancelotti ku yidhi saxaafada mar uu maanta la hadlayay, waxaanu intaas ku daray.

“Waxaan dhawr jeer ku celceliyey inaanaan ku khamaari karin waayo Cristiano maaha mid dhamaan ka bed qaba dhaawacaas. Waa inaanu guulaysanaa isaga la’aantii.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Khabiirkii Ku Soo Daray Barcelona Xidigaha Messi Iyo Iniesta Oo Geeriyooday

Fellaini: Waa Inaan Is Horu Mariyaa Xili Ciyaareedka Dambe

Related posts
Trackbacks/Pingbacks
  1. Luis Enrique Oo Qaaday Tallaabo Uu Ku Noqonayo Tababaraha Barcelona : Cadalool - 17/05/2014

    […] layliya kooxda Celta Vigo, Luis Enrique ayaa qaaday tallaabo uu isugu diyaarinayo in uu tababre ugu noqdo kooxda Barcelona, […]

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: