10:10 am - Wednesday June 28, 2017

Ronaldo Oo Shuruud Doqoniimo Ah Ku Xidhay Sii Joogista Real Madrid

Abdiwahab Ahmed

Ronaldo ayaa Real Madrid u sheegay hadal aanay jeclaysanin, kaas oo ku saabsan mustaqbalkiisa iyo xaaladda cakiran ee wakhtigan u dhexaysa.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo dalka Spain gudihiisa ah, Cristiano Ronaldo ayaa u sheegay masuuliyiinta Real Madrid in sida kaliya ee uu kula joogi karayo ay tahay inay ka bixiyaan lacagta lagu eedeeyey inay ku maqan tahay ee maxakamadda kiiskeeda loo gudbiyey oo dhan 14 milyan oo Euro.

Ronaldo waxa kale oo uu kooxda ku wargeliyey inuu usii ciyaari doono haddii ay dhabarka u ritaan waxyaabaha kale ee ay suurtogalka tahay inay maxkamadda ka soo baxaan, taas oo ay suurtogal tahay in lagu xukumo bixinta lacagtii ku maqnayd iyo mid kale oo ganaax ah.

Lama garanayo waxa Real Madrid ay ka yeeli doonto go’aanka Ronaldo, hase yeeshee, waxay hore ugu sheegtay in aanay ku khasbi doonin inuu sii joogo Bernabeu haddii uu ku adkaysto go’aankiisa ah inuu tegayo, waxaana ay goysay lacagta ay ku iibinayso oo dhan 175 Milyan Oo Gini, taas oo ay hoos u dhigtay lacagtii lagu burburin karayay heshiiskiisa oo ahaa 1 bilyan oo Euro.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

PSG Oo Wada-hadallo La Bilowday Ronaldo Iyo Manchester Oo Dagaal Ku Jirta

Mohamed Salah Oo U Duulay Liverpool

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: