Ronaldo, Pirlo Iyo Iniesta Oo Lagu Daray Ciyaaryahannada U Tartamaya Abaalmarinta Lugta Dahabka Ah

Xiddiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ku biiraya raxan ciyaaryahanno sharaf ka leh dunida oo ay ugu horreeyaan Zlatan Ibrahimovic, Francesco Totti iyo Ronaldinho oo ku guulaystay abaalmarin sharafeed qaali ah.
Sannadkii labaad oo xidhiidh ayaa waxa Ronaldo loo magacaabay inuu ka mid noqdo ciyaaryahannada u tartamaya Cagta Dahabka ah, waxaana kula jira ciyaartooyo badan oo magac ku leh dunida oo ay ka mid yihiin Andres Iniesta, Franck Ribery, Andrea Pirlo iyo Yaya Toure.

Abaal marintan oo ah mid caalami ah oo uu ciyaartoygu noloshiisa ku guulaysan karo hal mar oo kaliya, ayaa waxa la siiyaa ciyaaryahannada ay da’doodu ka weyn tahay 28 jir, kuwaas oo kubadda cagta ka gaadha guulo badan oo shakhsiyeed iyo mid kooxeedba, laakiin waxa si aad ah mudnaanta loo siiyaa shakhsiyaddooda.
Thierry Henry, Iniesta, Manuel Neuer, Pirlo, Ribery, Wayne Rooney, Toure, Thiago Silva iyo haweenayda reer Brazil ee Marta ayaa abaalmarintan ku hirdamaya sannadkan.

Codaynta ayaa waxa ay dhici doontaa 24 August, waxaana natiijada lagu soo bandhigi doonaa magaalada Monaco maalinta Axadda ah ee 13 October ee isla sannadkan. Waxa codayn doona oo qofka guusha siin doona taageereyaasha iyaga oo adeegsanaya website-ka loogu talo galay abaalmarintan ama waxa ay isticmaali doonaan bog looga sameeyey Facebook.

Abaalmarintan waxa la aasaasay sannadkii 2003, waxaanu ninka sannadkan ku guulaystaa ku biiri doonaa ciyaartooyada magacyada waaweyn ee hore ugu guulaystay oo kala ah: Roberto Baggio, Pavel Nedved, Andriy Shevchenko, Ronaldo, Alessandro Del Piero, Roberto Carlos, Ronaldinho, Francesco Totti, Ryan Giggs, Zlatan Ibrahimovic iyo Didier Drogba.

Comments are closed.