“Ronaldo Wuu Ku Biiri Karaa Barcelona” – Figo

Xiddigii reer Portugal ee Luis Figo ayaa sheegay in laacibka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo uu ku biiri karayo Barcelona.

Figo oo sannadkii 2000 sameeyey isbeddelkii ugu weynaa ciyaaraha markii isagoo ka tirsan Barcelona uu u wareegay Real Madrid oo colaad weyni ka dhaxaysay, ayaa waxa uu tilmaamay siyaabaha ay Barcelona ku heli karayso Ronaldo.

Figo ayaa £37.2m ugu wareegay Real Madrid sannadkii 2000, waxaanu xilligaas ahaa ciyaartoyga ugu qaalisan dunida, laakiin taageereyaasha Barcelona ayaa gadood iyo mudaharaadyo dhigay.

Sidiisii oo kale, waxa uu sheegay in Ronaldo uu samayn karo, ayna suurtogal tahay in Barcelona ay gacanta ku dhigto haddii ay bixiso lacagta qandaraaskiisa Madrid lagu burburin karo oo dhan €1.5 billion [£1.25bn].

“Waxaynu joogtaa wakhti suuqu xor yahay, haddii uu  jiro lacag ku xidhan burburinta heshiiskiisa, wax waliba way dhici karayaan.” Sidaas ayuu yidhi Figo.

Luis Figo oo dib u xasuusanaya 15 sannadood ka hor wakhtigiisii Barcelona, waxa uu yidhi: “Sababta koowaad ee aan ugu biiray Real, waxay ahayd aqoonsiga aan ka helay madaxweynaha Real Madrid. Arrintuna waxay sii xoogaysatay markii aan dalabka ka helay, Barcelona-na waxaan u sheegay aragtidayda in aan doonayo in heshiiskaas aan galo.”

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Mark Clattenburg Oo Loo Magacaabay Garsooraha Dhexdhexaadin Doona Manchester Derby

Taageereyaasha Leicester City Oo 14 Saacadood saf ugu jiray Tigidhka Ciyaaraha Champions League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com