Rooney oo aan ciyaareynin koobka aduunka

Gool dhaliyaha kooxda Man United, waxaa gaaray dhaawacyo yaryar, iyadoo tababare Ryan Giggs uu sheegay in laga yaabo inuusan dheellin ciyaarta Sabtida ee ay la yeelan doonaan Sunderland.
warkan oo aanu ka soo xiganay BBC da ayaa sheegeen innay ogaadeen in Rooney uusan ciyaari doonin kulanka ka dhacaya Old Trafford ee u dhexeeya halgamaayaasha horyaalka Ingiriiska.
Tallabadan dib u qaadidda ah ayaa timi 10 maalin kadib markii Tababaraha xulka Britain uu u magacaabay inuu kamid noqondoono ciyaaryahana u dheli doono ciyaaraha koobka aduunka eek a dhacayo dalka Brazil sanadkan 2014-ka.
Sidoo kale, war laga soo xigtay Giggs, ayaa sheegayo in Rooney uu xanuunsan yahay.
“Kuwa yar oo ka mid ah raggan waxay qabaan xanuun,” ayuu yiri Giggs, wuxuuna intaa ku daray, “Wayne Rooney wuu qabaa, Anders Lindegaard wuu qabaa. Wayne waxaa hayo xanuun jirka oo dhan ah. Waxaana u weliyo xanuuno kale, taasi macneheeda waxa uu yahay in difaaca jirkiisa oo dhan uu hooseeyo, hadaba waan eegi doonnaan.”
“Wayne markastaa waxa uu yahay Wayne, waxa uu doonayaa inuu ciyaaro iyo inuu ka muuqdo. Waana lasocondoonnaan 24-ka saac ee soo socda.”
Asigoo diyaarinaya, kullankiisii labaad oo uu maamulayo, ciyaaryaha_tababare Giggs waxa uu xulanayaa in Robin van Persie uu ka ciyaaro booskii Rooney kulamada isbuucan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Owen : Ronaldo waa laacibkii ugu weynaa ee Real Madrid ka ciyaara

Tababare Mourinho Oo Guuldarradii Chelsea Ee Champions-ka Dusha Ka Saaray Hazard

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com