Rooney Oo Is Difaacay

Kabtanka kooxda kubadda cagta ee Manchester United, Wayne Rooney, ayaa dhaleecaynta loo soo jeediyay ku tilmaamay mid aan wax ka soo qaad lahayn.

Rooney ayaan hubin inuu booskiisa xajisan doono ciyaarta ay kooxdiisa Manchester United  Sabtida la yeelan doonto kooxda haysata horyaalka Ingiriiska ee Leicester City.

“Dhab ahaantii ma dhageysto waxa ay dadku leeyihiin, sababtoo ah qeyb badan oo ka mid ah waa wax aan wax ka soo qaad lahayn.” Wuxuu sidaasi Rooney u sheegay talefishinka Manchester United ee MUTV.

“Intaan xirfddan ku soo jiray waxaa isoo wajahay dhaleecayn haba ugu badnaato kuwo dhawaanahan la ii soo jeedinayay. Waxaan dhageystaa tababarayaasheyda, ragga aannu isku kooxda nahay iyo dadka igu xeeran.” ayuu mar kale yidhi.

Rooney waxa uu ku adkaystay in haddii uu aad u dhegaysto taageereyaasha iyo warbaahinta sida ba’an u dhalleecaynaya in aanu hore usii wadi karin xirfaddiisa iyo mustaqbalkiisa, taas daraadeedna ay tahay inuu dhinac isaga leexiyo oo uu dhegaha ka furaysto waxa laga sheegayo.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mesut Ozil Oo Lagu Riday Ganaax £160,000 Iyo Sababta

Arsenal vs Chelsea: Kulanka Sabtida, Sida Loo Doodo Ciyaartoyga Iyo Koox Laga Sameeyey Labada Kooxood

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com