Rooney Oo Sheegay In Nidaam Cusub Uu Kabtannimada Ugu Maamulo Kooxda

Kabatanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Wayne Rooney ayaa sheegay in nidaam maamul oo isaga u gaar ah uu gacanta ugu hayo kooxdaas uu kabtanka u yahay, isla markaana aanu nidaamkiisa kabtannimo iyo awoodihiisa maamul kaga dayanin shakhsi gaar ah.

Rooney waxa uu sheegay in inkasta oo uu dib u milicsado sidii ay kabtannaddii ka horreeyey u maamuli jireen kooxda in aanu haddana waxba kaga dayanin.

Waxa uu si gaar ah u amaanay Ryan Giggs oo uu sheegay in aanu ahayn kabtan rasmi ah laakiin haddana sidii uu kooxda u hoggaamin jiray ay ahayd mid cajiib ah. Waxa kale oo uu xusay Roy Keane, Garry Neville iyo David Beckham.

Waxa uu xusay in uu la dhacay qaabka ay Steven Gerrard iyo John Terry u hoggaamiyaan kooxahooda iyagoo kabtan u ah, balse haddana waxa uu iska diiday in uu iyaga daydo, waxaanu ka door biday in uu hab-maamul gaar u ah kooxda kula dhaqmo.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Muller: “Bas ayay Porto Nagu Hor Jartay”

Suarez, Neymar, Modric, Oblak Iyo Jackson Oo Hoggaaminaya Kooxda Toddobaadka Ee Champions League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com