11:26 am - Friday June 23, 2017

Rosicky Madfac Uu Ku Gannay Goolka Spurs Oo Guul U Horseeday Gunners Kulankii Darbiga Ahaa

Aidarous

Ciyaaryahanka Khadka dhexe ee Czech Republic u dhashay ayaa goolka Madiga ah  ee Guuldarada Baday ciyaaryahanada Macalin Sherwood ka dhaliyey daqiiqadii ugu horeysay ciyaarta, Iyadoo Arsenal-na ku heshay faaiidada inay kaalinta labaad la wadaagto Liverpool

ArsenalTomas Rosicky ayaa shabaqa ku lulay darbad sida madfaca ah daqiiqadii ugu horeysay ciyaarta , iyadoo kooxda Arsenal kaga adkaatay naadiga Tottenham 1-0 kulankii Derbiga ahaa ee woqooyiga magaalada London , oo shallay White Hart Lane.

Ciyaaryahankan u dhashay wadanka  Czech ayaa kubada si xoog ah kaga dhex laagay difaacyahanada Spurs , xoogna ku dhaafiyey goolwadaha , kadib markii uu hellay kubad uu si qurux badan uga shaqeeyey ciyaaryahankan Alex Oxlade-Chamberlain.

Tottenham ayaa wixii intaas ka dambeeysay weeraro axmaqnimo ah ku ekaysay goolka Arsenal , waxaase sutida u qabtay difaaca Guners oo aad u adkaa xallay.

Ma jirin kubad la tilmaamo oo Arsenal qaadatay tan iyo wixii ka dambeeyey goolka ay dhalisay bilowgii ciyaarta ,  laakiin Tottenham ayaanay u suuro gallin inay xoogsadaan wax barbaro ah , guuldarana kala dareeray garoonkooda White Hart Lane.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Mo Farah Oo Istaaga Ka Dhacay Isagoo Tartan Ku Jira Dhakhtarkana Loola Carraray (Sawiro)

“Duufaanadu Wey Dhamaan Doonaan , Cadceeduna Wey Soo Bixi Doontaa.”- Mata

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: