1:29 pm - Wednesday June 28, 2017

Rummenigge Oo Diiday In Muller Kooxda Dibada Laga Dhigayo

Aidarous

Gudoomiyaha naadiga Bayern Munich, Karl-Heinz Rummenigge ayaa ka meermeeray inay jirto qorshe naadiga Bayern Munich suuqa ku dhigayo weeraryahanka xulka qaranka Germany iyo Naadiga horyaalka Bundesliga ee Thomas Muller, wuxuuse tilmaamay in kooxdu iibin doonto haddii uu isagu dalbado inuu ka tago.

Weeraryahankan ayaa safka hore ee naadiga ka dhacay tan iyo intii uu kooxda la wareegay tababre Pep Guardiola, waxaana la rumaystay inay jirto ku niyad samaan la’aan aanu ku faraxsanayn sii joogista Allianz Arena ee wakhtigan.

Manchester United ayaa si weyn loogu xidhiidhinayay inay wadahadal hoose la wado laacibkan 24 jirka ah laakiin gudoomiyaha naadiga Bavaria, Rummenigge ayaa diyaar u ah inuu miiska soo fadhiisiyo weeraryahanka si uu xaaladiisa iyo waxa uu doonayo ugu kuur gallo.

“Haddii ciyaaryahanku aanu ku faraxsanayn sii joogista Bayern Munich, wuxuu iigu iman lahaa xafiiskayga,”ayuu Gudoomiyuhu ku yidhi wargeyska Bild.

“Waa inaanu isla gorfaynaa arimaha noocan oo kale ah.”

Muller ayaa heshiiska uu kooxda kula jiraa uu ku gaadh siisan yahay tan iyo 2017. waxaanu kooxda u dhaliyey 13 gool, 30 ciyaarood oo uu horyaalka Bundesliga u saftay Munich.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Ronaldo oo cidhib ku dhalinaya goolkii bareejaha wakhtigii lagu daray ciyaarta

Ronaldo Oo Guuldaro Kala Baxsaday Real oo Valencia Daandaamisay

Ceebta Huursan Ee Chelsea : Mourinho Oo Wuxuu Doono Ku Yidhi Ciyaaryahanadiisa -Cole Oo Ilmo Kaga Baxay Garoonka & Salah iyo Tababaraha Oo Tii U Dambeysay Kala Maraya

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: