Russia 1-1 South Korea: Kerzhakov Oo Dhibic U Badbaadiyey Xulka Tababare Capello

Alexandr Kerzhakov ayaa ugu guntaday hal dhibic xulka qaranka Russia oo la dhutinayay goolkii uu daqiiqadii 68 meesha fog kaga toogtay Lee Keun-Ho, ciyaartii xallay ku dhex martay Ruushka iyo Koonfurta Kuuriya garoonka Estadio Pantanal ee magaalada Cuiaba.

Kulankan oo ahaa ciyaartoodii koowaad ee Group H, ayaa ku dhamaaday barbar dhac 1-1 ah , natiijadaas oo ka dhigaysa ciyaartii labaad ee Barbaro ku dhamaata intii tartanku socday.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay isla dhaafi waayeen , waxba la’aan labada dhinacba , markiise la isu soo noqday, daqiiqaduhuna 68 marayso , ayuu laacibka numberka 11 aad u sitay Xulka Kuuriya ee Lee Keun kubad uu meel fog kaga laagay si dhibyar u waydaaratay goolwadaha xulka Russia, ciyaartiina ka dhigay 1-0 ay ku hogaaminayaan xidigaha bariga fog ee qaarada Aasiya ka soo ciyaar guday.

Shandaqiiqo kuma qaadan xulka isna ka yimid Bariga qaarada Yurub, inay ku barbareeyaan goolkaas lagaga horeeyey, waxaana u suurto gashay daqiiqadii 74 aad in kubad goolwadaha ka soo noqotay uu shabaqa ku xareeyo ciyaaryahanka Kezhakov , ciyaartiina waxay ku dhamaatay 1-1 ay ku kala qaybsadaan dhibcaha.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sawiradii Ciyaarta Brazil Iyo Mexico – Daawo –

Ma Ogtahay Inay Koobka Aduunka Ka Hadhayso Caawa Kooxdii Laga Badiyo Ciyaarta Cameroon vs. Croatia

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com