3:03 pm - Tuesday August 23, 9605

Ruud Gullit: Waan Sugi La’ahay Van Gaal Iyo Saxaafada Ingiriiska Dagaalka Dhex Mari Doona

Aidarous

Halyeygii hore ee naadiga Chelsea,  Ruud Gullit ayaa xusay sida uu u sugi la yahay daawashada, dagaalka afka ah ee dhex mari doona tababaraha cusub ee kooxda Manchester United Louis van Gaal  iyo warbaahinta qod-qodka badan ee Ingiriiska lock.

Van Gaal ayaa si rasmi ah loogu caleemo saaray tababaraha cusub ee kooxda Manchester United maalintii doraad.

Gullit  ayaa isagoo qoslaya yidhi: “Waxaan u malaynayaa inuu xallad soo kordhin doono Louis.

“Sababtoo ah waa Dutch, maxaa yeeay waa tababare fiican iyo barre sare, sababta kalena waxay tahay waxaan sugayaa dagaalka uu ku qaabilo saxaafada Ingiriiska. Taas ayaana ah arinta xiisaha gaarka ah samaynaysa…”

Ciyaaryahanka hore, Gullit isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas ku daray: “Runtii waa wax fiican, aad baan ugu hanweynahay, ninka Holland ka soo jeeda ee qabtay shaqada Manchester United”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Luis Enrique Oo Loo Magacaabay Tababaraha Barca iyo Hanjabaad uu iska horreysiiyey

Diego Costa Oo Cudur Dameer Ka Gallay Faras Looga Gubayo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: