Ryan Giggs ayaa la tilmaamayaa in ay suuragal tahay in uu danaynayo in uu tabbobare u noqdo kooxda #Swansea, haddii uu ka tago tababaraha wakhti xaadirkan kooxdaas layliya eeFrancesco Guidolin.

#Giggs, oo 42 jir ah, ayaa bilowgii bishii July isaga tagay xilka tababare ku xigeenka kooxda #Manchester United, isaga oo sidaana ku soo afjaray 29 sano oo uu kooxdaasi la joogay.

Kooxda Swansea ayaa 4 dhibcood oo kali ah ka heshay 5 kulan oo ay xagaagan ka ciyaartay horyaalka Ingiriiska, waxaana lagu soo warramayaa in kooxdan ka dhisan gobolka Wales ay ka fikirayso inay iska badesho tababaraha.
Haddii ay sidaasi dhacdana, Giggs waxa ay u badan tahay in uu noqdo tababaraha kooxdaasi Swansea.