Saadaasha akhristeyaasha Cadalool ee Ciyaarta Caawa ee Atletico v Real Madrid

Magaalooyinka waaweyn ee Somalidu degto waxa looga diyaar garoobayaa ciyaarta ay caawa isaga hor iman doonaan Atletico Madrid iyo Real Madrid ee kulanka caawa ee Champions League.

Taageereyaal kala raacsan labada kooxood oo wariye ka tirsan shabakadda www.cadalool.com uu kula kulmay magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ku soo bandhigeen saadaasha kulanka caawa, kuwaas oo natiijadooda saadaashaasi ay isku dhow dahay.

Saadaashan ayaa waxa ay muujisay in 57% ay  badin doonto Real Madrid, halka 43% ay codadkii la dhiibtay muujiyeen in ay Atletico Madrid badin doonto.

Dadkan codkooda ka dhiibtay ciyaarta ayaa waxa ay muujiyeen in goolasha lagu kala badin doonaa aanay aad u kala fogaan doonin. Natiijada ugu goolasha badan ee ay ciyaartu ku dhamaan doonto ayaa sida ay cod bixintani muujisay waxay noqon doontaa 3-0 ay ku badin doonto Real Madrid, halka natiijooyinka kalena aanay ka fogeyn.

Inkasta oo labadan kooxood laga filayo ciyaar adag, isla markaana ay adag tahay in saadaasha laga bixiyaa ay xaqiiqada ku dhowaato, waliba marka dib loo milicsado ciyaarihii ay kooxahani isaga hor yimaaddeen labadii sannadood ee u dambeeyey oo ay si aad ah ugu gacan sarraysay Atletico ayaa waxa la sugi doonaa sida ay ciyaartu noqoto.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Champions league: Milicsiga taariikhda iyo kulanka caawa ee Atletico v Real

Siddeed Ciyaartoy Oo Atletico Iyo Real Ayey Suurtogal Tahay Inay Maqnaadaan Lugta Labaad

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com