Saadaashii shabakadda cadalool ee garsooraha Clasico oo Rumowday

Lahoz

Saadaal ay shabakadda www.cadalool.com ka bixisay garsooraha dhexdhexaadin doona kulanka clasico ee dhex mari doona Real Madrid iyo Barcelona 22ka bishan ayaa dhabowday kadib markii ay xidhiidhka Spain shaaciyeen garsooreyaasha dhexdhexaadin doona kulamada dhacaya toddobaad kadib.

Xidhiidhka dalka Spain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu garsoore Antonio Mateu Lahoz dhexdhexaadin doono ciyaarta toddobaadka 28aad ee horyaalka Spain ee FC Barcelona iyo Real Madrid ee ka dhici doonta garoonka Camp Nou 22-ka March.

Garsoore Mateu Lahoz oo ay da’diisu tahay 37 jir, kana soo jeeda gobolka Valencia oo uu ka mid yahay guddida garsoorka ciyaaraha ayaa waxa lagu yaqaannaa nin dhexdhexaad ah oo ogolaada in ay ciyaartu socoto, isla markaana aan qabannin khaladaadka yaryar. Ciyaartan ayaa u noqon doonta markii saddexaad ee uu garsoore Lahoz u garsooro labadan naadi balse waa kulankii koowaad ee horyaalka La Liga ah ee uu u garnaqo, iyadoo labada kulan ee kale ay ahaayeen Copa del Roy oo ay Real Madrid ku qaadday koobkaas orodkii caanka noqday ee Gareth Bale iyo kulanka kale oo ahaa Spanish Super Cup oo ay Real Madrid ku badisay 2-1 koobkana sidaa ku qaadday.

Garsooraha kale Juan Martinez Munuera ee ka soo jeeda gobolka Valencia, kana midka ah guddida garsooreyaasha ee gobolkaas ayaa loo doortay in uu dhexdhexaadiyo kulanka dhex mari doona Atletico Madrid iyo Getafe.

Liiska garsooreyaasha iyo ciyaaraha ay dhexdhexaadin doonaan oo dhan:

Real Sociedad-Córdoba CF Carlos Velasco Carballo

Atlético de Madrid-Getafe CF Juan Martínez Munuera

RC Deportivo de la Coruña-RCD Espanyol Fernando Texeira Vitienes

Elche CF-Valencia CF David Fernández Borbalán

Villarreal CF-Sevilla FC Alejandro José Hernández Hernández

Athletic Club-UD Almería Eduardo Prieto Iglesias

Levante UD-RC Celta de Vigo José Antonio Teixeira Vitienes

FC Barcelona-Real Madrid CF Antonio Miguel Mateu Lahoz

Granada CF-SD Eibar Alberto Undiano Mallenco

Rayo Vallecano-Málaga CF Santiago Jaime Latre

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Video: Milicsiga Chelsea vs PSG

Bayern Munich Oo Si Xarago leh Ugu Gudubtay Rubuc Dhamaadka Champions League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com