Saamiilaha Ugu Weyn Arsenal oo Go’aamiyey Ciyaartooyada ay Kooxdu Iibsanayso Bisha June

Maalqabeenka ugu saamiga badan Arsenal ee Usmanovic ayaa go’aamiyey in kooxdaasi soo iibsato ciyaartooyo gaar ah oo uu isagu shakhsiyan u arko in ay yihiin kuwo kooxda guul u keeni kara.

Maalqabeenkan ayaa muddooyinkii u dambeeyey la sheegayay in uu wada hadal la samaynayay weeraryahan u dhashay wadanka Argentine kaas oo la sheegay in uu ku iibsan doono £30 milyan.

Ciyaaryahankan oo lagu magacaabo Paulo Dybala ayaa la sheegay in uu maalqabeenkani aad u doonayo in uu kooxda ka caawiyo dhinaca gool dhalinta oo saluug badani ka jiro, si ay ugu guuleysan karto horyaalka dalkaas.

Paulo Dybala oo ay da’diisu tahay 21 jir, waxa uu u ciyaaraa kooxda Palermo ee ka dhisan wadanka Talyaaniga, waxase kula tartamaya oo la aaminsan yahay in dalabyadooda ay u gudbiyeen kooxdaas naadiyada Chelsea, Liverpool iyo Manchester United.

Maamulaha guud ee Palermo oo lagu magacaabo Maurizio Zamparini ayaa toddobaadkii hore sheegay in Arsenal ay dalab rasmi ah u soo bandhigtay kaas oo ay ku doonayaan Dybala.

Ciyaaryahanka ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in aanu aad uga fikiraynin kooxda uu u ciyaari doono sannadka dambe balse kaliya uu diiradda saari doono in uu qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigo kulamada ka hadhay xili-ciyaareedka, hase ahaatee wuxuu ishaaray in ay yihiin maalmihiisii ugu dambeeyey ee uu u ciyaarayo kooxda Palermo.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Chelsea Oo U Dhaqaaqday Iibsiga Xiddiga Liverpool ee Henderson

Crystal Palace Oo Bah-dishay Manchester City + Sawiro

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com