xulka-gobolka-saaxil

Tababare ku-xigeenkii xulka gobolka Saaxil ayaa iska casilay xilkii xulka qaranka gobolkaas sannad kaddib markii uu sidan oo kale isku-casilay tababarihii.

Tababare ku-xigeenkii gobolka Saaxil, Muuse Maxamed Cali (Muuse Dawlad) ayaa iscasilaaddiisa ku sababeeyey in wakhtigan oo ay bilowga tartanka gobollada ka hadhsan tahay muddo bil ah loo baahan yahay shaqo adag oo loogu diyaar garoobo ciyaaraha soo socda, iyadoo uu waliba tababarihii xulku uu is casilay wakhtigii ay socdeen ciyaarihii gobollada ee Saxil uu ka midka ahaa gobolladii ka soo baxay Borama.

Tababare Muuse Maxamed Cali oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wariyaha shabakadda Cadalool ee gobolka Saaxil, ayaa waxa uu sheegay in iscasilaaddiisu ay salka ku hayso khilaaf iyo is faham la’aan u dhaxaysay wasaaradda ciyaaraha Somaliland.

Muuse Dawlad

Muuse Dawlad

“Mar haddii shaqada laysku karaamayn waayo, ixtiraam iyo aqoona lagu kala dambayn waayo, wada shaqayn iman mayso” sidaas ayuu yidhi tababare Muuse, waxaanu intaa Ku daray in uu xaq u lahaa in shaqada bannaan ee tababaraha xulka qaranka loo magacaabo, laakiin ay is afgaran waayeen wasaaradda Ciyaaraha.

Muuse Maxamed Cali (Muuse Dawlad) ayaa hore u ahaan jiray tababaraha kooxda booliska, haatana waxa uu layliyaa naadiga Dawladda Hoose ee Berbera, waxaanu ka mid yahay tababareyaasha khibradda u leh ciyaaraha ee gobolka Saaxil.

Xaaladda ciyaareed ee gobolka Saaxil ayaa lagu tilmaamaa in hoos u dhac ku yimid muddooyinkii u dambaysay, gaar ahaan xulka gobolka oo khilaaf taxan illaa maamulka gobolku uu hadheeyey, kaas oo sababay in maalmo kaddib markii la soo gabo-gabeeyey ciyaarihii hordhaca ahaa ee gobollada ee Saaxil kaga soo baxay Borama uu iscasilo tababare Shakuur.

Ciyaartoyga xulka gobolkaas ayaa la sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay ka tegeen magaalada Hargeysa, kuwo kalena magaalada Burco laga soo kexeeyey, iyadoo ay joogaan ciyaartoygii gobolka oo tayo ahaan aan ka hoosaynin kuwo laga soo kaxeeyo gobollada kale.