3:16 pm - Thursday January 20, 4935

SAFARKA DHIMASHADA: Naftaada Maku Aamini Lahayd Halkan

261 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on SAFARKA DHIMASHADA: Naftaada Maku Aamini Lahayd Halkan

Buurta DhimashadaSawirradan waxa la qaaday laga qaaday nin ku socdaalaya baaskiil buur weyn oo dhagax ah, taas oo uu marayay meel halis ah oo haddii uu yara ciiro ay naftiisu halis gelayso.

Michal Kollbek ayaa laga duubay muuqaallo daawasho ah iyo kuwo sawirro ah isaga oo u ku gudo jira safarka lagu tilmaamay mid caqliga ka fog, gobolka Arizona ee wadanka Maraykanka.

26A0F2E000000578-2994398-The_30_year_old_Polish_rider_took_his_bike_across_a_red_rock_cli-m-30_1426332613940Buurta uu ninkani baaskiiladda ku dul kexeeyo oo isugu jirta meelo dhagaxaan ah, meelo ciid ah iyo jarar dhaadheer, ayaa waxa uu ka samaystay liidad yaryar oo waddooyin ah oo uu mari karayo taayirka baaskiilka uu wato, halkaas oo uu sidii uu socdo waddo ugu dul safro.

safarka dhimashadaKollbek oo u dhashay wadanka Poland ayaa waxa sawirro ka soo qaadday diyaarad maadaama halka uu marayo aanay binu-aadamka isku aamini karin, wakhti uu wiilkan 30 jirka ahi ku jiray halista uu raaxada ka dhiganayo.

Safarka dhimashada1Kollbek oo la weydiiyey sida uu naftiisa ugu aaminay halistaas ayaa waxa uu sheegay in uu caado ka dhigtay isla markaan jecel yahay in uu maro meelaha halista ah ee ay dadku ka baqnaa.

Safarka dhimashada2Waxa uu Kollbek u mahad celiyey sawir qaadaha diyaaradda saarnaa iyo diyaaradda oo uu tilmaamay in bilaash lagu siiyey si ay sawirro uga soo qaaddo.

Xuquuda sawirrada iyo warkanba waxa iska leh Dailymail oo shabakadda www.cadalool.com ay ka soo xigatay.

Safarka dhimashada3

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
4/5 - 1
You need login to vote.

Xavi Oo Caawa Barcelona U Safanaya Kulankiisii 750aad

Rooney Oo Miyir Beelay Markii Tartan Feedh Ah Oo Uu Ka Qayb Galay Dhulka Loogu Tuuray

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com