Sagna: “Ma jiraan wax heshiis ah oo aan la galay kooxda Manchester City”

Difaaca kooxda Arsenal iyo xulka Faransiiska Bacary Sagna ayaa iska fogeeyey wararka la xidhiidhinaya inuu heshiis cusub u saxeexay kooxda Manchester City ee Horyaalka dalka Ingiriiska.

Difaacan 31-sanno jirka ah oo qandaraaskiisa kooxda Arsenal-na uu gabaabsi ku dhow yahay ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay si weyn loola xidhiidhinayay inuu ku biiri doono kooxda Citizens, laakiin waxa uu dafiray inay is-fahmeen isaga iyo City oo uu xilli ciyaareedka soo socdana u ciyaari  doono “Ma anaa heshiis u saxeexay kooxda Manchester City?, maya maya warkaasi waa been.” ayuu Sagna u sheegay Telefoot “Xaaladeyda waxaa la xallin doonaa ka hor koobka adduunka, welina wax heshiis ah oo aan koox la galay ma jirto, nin walba masiirkiisa wuu marayaa anigana halkan ku dambeyn doono weli ma soo ogaan.” ayuu sii raaciyay Sagna. Bacary Sagna waxa uu kooxda Arsenal ku soo biiray sannadkii 2007 waqtigaas oo ay ka soo qaadatay kooxda Auxerre ee waddanka Faransiiska.